Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni
Barta cusub ee elektaroonigga ah ee fiisaha Soomaaliya (e-Visa) ayaa wajahaysa su’aalo culus oo la xiriira amniga xogta, kadib markii la ogaaday in nidaamku uusan si buuxda u daboolin habraacyada badbaadinta macluumaadka shakhsiyeed. Arrintan ayaa abuurtay khatar ah in dad dano xun leh ay si fudud u heli karaan kumannaan fiisooyin elektaroonig ah oo xanbaarsan xog aad u xasaasi ah, sida faahfaahinta baasaboorrada, magacyada buuxa iyo taariikhaha dhalashada.
Warbaahinta Al Jazeera ayaa toddobaadkan xaqiijisay jiritaanka daldalooladaan, kadib xog ay ka heshay qof aqoon u leh horumarinta bogagga internetka. Qofkaasi wuxuu sheegay inuu horey ula wadaagay hay’adaha dowladda macluumaad muujinaya khatarta jirta, islamarkaana uu u gudbiyay caddeymo muujinaya sida xogtu u nugushahay, balse uusan helin wax jawaab ah, isla markaana aan wax sixitaan ah la sameyn.
Khubaro ku takhasustey xuquuqda dijitaalka ayaa ka digay in jebinta xogaha shakhsiyeed ay tahay khatar gaar ah, maadaama ay fure u noqon karto xatooyo aqoonsi, khiyaano maaliyadeed, iyo ururin sirdoon oo ay sameeyaan kooxo ama dowlado dano gaar ah leh. Waxaa la tilmaamay in dhacdadan cusub ay imanayso xilli aan weli laga soo kaban jabsasho hore oo lagu sameeyey nidaamka e-Visa-da, kaas oo sababay in xogta kumannaan codsadeyaal ah bannaanka u soo baxdo.
Intii lagu guda jiray baaritaanka, Al Jazeera ayaa awooday inay dib u soo celiso daldaloolka la sheegay, iyagoo muddo gaaban ku helay fiisooyin ay ku jireen xogta muwaadiniin ka kala yimid dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Sweden, Mareykanka, Portugal iyo Switzerland. Inkastoo warbaahintu ay mar kale arrintan la wadaagtay dowladda, haddana wax jawaab rasmi ah kama aysan helin.
Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada lagu hirgeliyay nidaamka e-Visa-da mid degdeg ah oo aan la socon qiimeyn halis oo ku filan. Sida ay sheegeen, ku celinta nidaamka kadib jab-sasho hore ee lagu sameeyey waxay dhaawaceysaa kalsoonida shacabka, waxayna muujinaysaa dayacaad ku saabsan xuquuqda muwaadiniinta iyo martida dalka soo galeysa.
Waxaa kale oo la xusay in sharciga ilaalinta xogta ee Soomaaliya uu farayo in marka ay dhacdo jebin halis ah, hay’adaha masuulka ahi ay wargeliyaan hay’adda ilaalinta xogta iyo dadka ay xogtoodu saameysay, gaar ahaan marka ay dhacdadu taabaneyso dad jinsiyado kala duwan leh, taas oo khuseysa sharciyo dalal badan.
Sabab la xiriirta in daldaloolku weli furan yihiin, faahfaahinta farsamo lama shaacin, si looga hortago in weerarro kale lagu daydo. Warbaahintu waxay sheegtay in dhammaan xogtii xasaasiga ahayd ee ay aragtay la tirtiray, si loo ilaaliyo asturnaanta dadka ay khusayso.
Dhanka kale, bishii hore, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa digniin ka soo saaray jabin xogeed oo lagu saameeyay in ka badan 35,000 qof oo codsaday e-Visa. Xogtaas waxaa ka mid ahaa magacyo, sawirro, taariikho iyo goobo dhalasho, iimayllo, xaalad guur iyo cinwaanno guryo. Kadib dhacdadaas, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa beddeshay domain-ka bogga e-Visa-da, iyagoo sheegay inay arrinta u arkaan mid mudnaan gaar ah leh.
Si kastaba ha ahaatee, khubaradu waxay hoosta ka xariiqeen in dowlado badan ay ku degdeggaan hirgelinta nidaamyada fiisaha elektaroonigga ah, taasoo keenta dhibaatooyin amni oo culus. Waxay sidoo kale xuseen in dadka caadiga ah aysan lahayn awood ay iskaga ilaaliyaan jabinta noocan ah, maadaama xogta laga dalbanayo ay tahay shuruud lagama maarmaan u ah helitaanka adeegga laftiisa.
GAROWE ONLINE