Wariye ka tirsan Goob-Joog FM oo lagu xirey magaalada Muqdisho

Image

April 1, 2015 (GO)- Wariye ka tirsan idaacadda Goob-Joog FM ee magaalada Muqdisho ayaa gelinkii dambe ee shalay xabsiga loo taxaabey.

Ciidamo ka socda laanta dembi baarista (CID) ayaa wariyahaas oo lagu magacaabo Cabdifataax Xasan Axmed (Kal-Gacal) ka kaxeystey gurigiisa.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta ka dambeysey xarigga, waxaana mas'uuliyiin ka tirsan idaacadda Goob-Joog ay sheegeen in loo diidey inay xabsiga ku booqdaan.

Cabdifataax Xasan Axmed wuxuu aad ugu dhuun dalooley barlamanka Dowladda Federaalka isagoo hadda kahorna warbixino badan oo xasaasi ah ka diyaariyey doodaha xildhibaannada.

Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ ayaa cambaareeyey xarigga Kal-Gacal uguna baaqey dowladda inay dib xoriyaddiisa ugu soo celiso.

Bil kahor ayey ahayd markii maxkamadda gobolka Banaadir ganaax lacageed ku xukuntey afar wariye oo ka kala tirsanaa idaacadaha Shabeele iyo Sky FM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga wada-hadleen Kulankoodii Addis Ababa?

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 09:02AM

Axmed Madoobe: Lagama aqbali doono Xasan Sheekh wixii isaga hore u diiday

Shirkan waa mid lagu badbaadinayo dalka iyo dadkiisa. Maamul wanaag ma aha in hal qof uu awoodda ku dhegganaado.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 07:56AM