Warsame: Dhamaanteen xafiiska Rooble ayaa noo balan ah

Image
Soomaaliya ayaa cagta saartey mowjado aan la saadaalin karin cawaaqibka ka dhalan kara.

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag cambaareeyay talaabadda shaqo ka joointa uu Farmaajo ku sameeyay Maxamed Xuseen Rooble.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa talaabadda madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey wuxuu ku sifeeyay mid baalmarsan dastuurka iyo sharciyadda.

Warsame oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee mareegga Facebook-ga ayaa hoosta ka xariiqay in Farmaajo uusan lahayn "nin gar qaata maaha, nin sharci, dastuur iyo akhlaaq leh maaha".

Sida laga soo xigtey Warsame, waa in "shacabka siyaasi, oday, aqoon yahan, haween, dhallinyaro iyo ciidan waa in marka hore dhaba dhilifka iyo calooshiis u shaqaystaha ka soo horreeya iska qabannaa".

"Farmaajo dawladnimo uma turin, dastuurna ma dhowrin, guud ahaan Soomaalida, gaar ahaan dadka degaankana waxba uma hanbayn, xad-gudubyadiisu way is daba yaalleen, laga soo billaabo weerarkii 17 Dec, ee xarunta Xisbiga Wadajir, shirqoolkii lagu dilay AUN Eng Yarisow, weerarkii uu 19 February ku qaaday Madaxweynayaashii hore, rasaastii isla maalinkaa la dhacay madaxdii iyo shacabkii mudaaharaadayey, khaarijintii Ikraan Tahliil, iyo maanta uu Raysalwasaarihii madaxiisa haysto," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Farmaajo nin garasho leh maaha, nin gar qaata maaha, nin sharci, dastuur iyo akhlaaq leh maaha, nacas iyo nin liita [daba dhilif] keli ah ayuu rabaa".

"Waa in aan iska qabanaa, Shacab, siyaasi, oday, aqoon yahan, haween, dhallinyaro iyo ciidan waa in marka hore dhaba dhilifka iyo calooshiis u shaqaystaha ka soo horreeya iska qabannaa, ka dibna iska bixinnaa. Dhamaanteen xafiiska Rooble ayaa noo balan ah," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Soomaaliya ayaa u muuqaneysa mid cagaha la gashay xaalad kacsanaan ah taasoo aan la saadaalin karin cawaaqibka ka dhalan karta maadaama is-qabqabsiga laga cabsi qabo in uu isku rogo gacan ka hadal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM