Warsame: Is fahan iyo heshiis billow ah ayaan gaarnay

Image
Hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay kulanka buuqa dhaliyey ee Saadaq Joon iyo Kulane-jiis.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa si furan wuxuu uga hadlay kulanka uu xalay Dhuusamareeb kula yeeshay Jeneraal Saadaq Joon iyo Cabdullaahi Kulane-jiis Mareexaan.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor, ayaa qaban-qaabiyey is-araggan oo ka dhacay madaxtooyadda. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame wuxuu qiray in shirka uu ahaa "mid aan lasii qorsheyn".

Qoraal uu soo dhigay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayuu ku caddeeyay in ay gaareen "is-faham horudhac ah". Ma bixin tafaasiil ku saabsan qodobadda ay isla meel-dhigeen dhinacyadda.

"Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye (QoorQoor) ayaa xalay xilli danbe iskugu kaaya keenay Saadaq Cumar (John) iyo C/llaahi Aadan Kulane oo labadu xildhibaanno uga soo baxay Galmudug. Kulanka oo aan la sii qorshaynin ayuu madaxweyne QoorQoor codsaday in aan ka wada hadalno dhib guud iyo mid gaar ah oo horay innoo dhexyaallay. Is fahan iyo heshiis billow ah ayaan gaarnay," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Horay ayaan dad dhib noo gaystay u cafinay, sababtoo ah siyaaddeena ka aargudasho iyo kala adkaansho ka mid maaha, laakiin marna caddaalada ka tegi mayno".

"Qofka wixii dhib loo gaysto waa cafin karaa, goorta uu doono, gaar ahaan marka loogu soo geed fariisto.  Tani  maaha mid ka hor joogaysanaysa ummadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qofkii dhibane kale ah inuu cadaalad helo ama raadsado," ayuu tibaaxay.

Warsame ayaa kusoo xiray: "Siyaasi walba waxaa maxkamad bulsho u ah sooyaalkiisa dadku wada hayaan, isagayna dan u tahay inuu ka garaabo, gafkiisana cafis uga raadsado qof kasta oo wax ka tabanaysa. Haddii dalku yeesho maxkamado macno leh waxay innoo xallin doonaan waxyaalo badan mustaqbalka waana mid ah yahay in laga wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa".

Madaxtooyadda Galmudug ayaa war-saxaafadeed waxay ku sheegtay in "ujeedka kulanka uu ahaa is-cafin". Balse, siyaasi Warsama ayaan marnaba soo hadal-qaadin qodobka maamulka Axmed Qoor-qoor.

Saddexda xubnood ee Qoorqoor uu kulan-siiyey waa Xildhibaano Galmudug matali doona afarta sano soo aadan. Balse, Warsame wuxuu shantii sano lasoo dhaafay ka tirsanayey xadgudubyo shaqsi ah iyo mid guud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM

Dowladda Soomaaliya oo Bogaadisey Ciidamada Puntland ee Ka Dagaallamaya Cal-Miskaad

Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntii sheegay in taageerada dowladda ay si joogto ah ugu socon doonto ciidamada Puntland.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 11:39AM