Warsame oo dalbadey baaritanka heshiiska shidaalka

Image
Musharax madaxwayne C/raxmaan ayaa rumeysan in $16 milyan ay bixisay shirkada qandaraaska la siiyey.

MUQDISHO, Soomaaliya – Kooxda Farmaajo ee "maafiyada iyo qowleysatada ah" shantii sano ee lasoo dhaafay way caadeysteen xatooyada iyo boobka hantida Soomaaliyeed ayna inkiraada tuuganimadaas, sida uu Axada maanta ah sheegay musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Warsame oo shir jaraa’id ku qabtey xafiiskiisa Muqdisho ayaa sheegay in lacagta lagu kala qaatay heshiiska 7-da xirmo shidaal ay gaareyso $16 milyan doolar, halka wasiirka batroola Cabdirashiid Maxamed Axmed uu shaaciyey kaliya 7-da milyan.

"Dabcan shirkadda Costline ee aad taqaanaan, waxaa horay loo oran jiray SomOil. Waa shirkad la sameeyay 2013-kii loona sameeyay arrimaha Soomaaliya kaliya. Shirkadan xirmooyinkaas kasii iibin doonaa shirkado kale oo soo saaraya kheyraadkaas oo ah hantida iyo Dhaxalka ummadda Soomaaliyeed," ayuu hoosta ka xariiqay.

Sida laga soo xigtey Warsame, $14 milyan oo kamid ah lacagtaas waa wadarta min $2 milyan oo bixinta heshiiska halkii xirmo shidaal, halka $2 milyan oo kamid ahna ay qaateen dulaaliinta la shaqeeyay labadda dhinac.

"Dalkeena waxaa dhex-ceegaaga nooc kasta oo kheyraad ah – macdan, gaas iyo shidaal – laakiin in la xado, la dibin-daabiyo ama in uu nagu noqdo jahiim ma rabno; waxaan dooneynaa in aan ka faa’iideysano," ayuu carabka ku dhuftey.

Xukuumada xilgaarsiinta iyo Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan isaga fogeeyay kuna qeexay "sharci darro". Balse, wasiir Cabdirashiid oo u waramay VOA-da iyo BBC-da wuxuu xusay in Farmaajo uu kala shaqeeyay galkan.

"Taariikhda aduunka iyo dalal kale kama dhicin in heshiis intaas la eg – oo ka kooban todoba ceel shidaal oo balaayiin doolar ay ku kacayso – dal shisheeye lagu saxiixo waliba si dhuumaaleysi ah iyadda oo aysan joogin hanti-dhowrka, xeer-ilaalinta, gar-yaqaaanka guud, xukuumadii iyo dowlad goboleedyada; ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta ahna iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey ay ka kala carareen," ayuu xusay.

Rooble ayuu ka dalbadey in uu talaabo ka qaado cidii ku lahayd heshiiskan "ha ahaado wasiir ama guddi". Xogta ay haayaan shaqsiyaadkan ayuu ku booriyey in lagu soo celiyo gacanta dowladda xukuumadana ay caddeyso mowqifkeeda.

Hanti-dhowraha iyo garyaqaanka guud ee qaranka ayuu cod dheer kaga dalbadey in ay baaritaan ku sameeyaan heshiiskaas gaar ahaan lacagta laga qaatay shirkadaha "ayaga haloo celiyo ama gacanta dowladda hasoo gasho".

Baarlamaanka 11aad ayuu ku waaniyey in ay "ku quus-qaataan inkiraada uu shantii sano ee lasoo dhaafay Farmaajo la taba-taagaan talaabooyinka uu isaga amro ayna dib dambe ugu sirmin beenta kooxdaan u eg maafiyada iyo qowleysatada".

Soomaaliya oo ah dal nidaam dowladnimo ahaan jilicsan ayaa mar walba u baylah ah siyaasiyiin meel dhow wax ka fiirinaya. Kaba sii daran marka la gaaro xilliyada guurka. Waa waqti ay siyaasiyiin xil iyo dhaqaale doon ah ay shaarka dowladda uga faa'iideystaan boobka ama xaraashka hantida qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Bogaadisey Ciidamada Puntland ee Ka Dagaallamaya Cal-Miskaad

Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntii sheegay in taageerada dowladda ay si joogto ah ugu socon doonto ciidamada Puntland.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 11:39AM

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM