Warsame oo loo magacaabay ergayga abaaraha Soomaaliya

Image
Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Party wuxuu kamid ahaa musharaxiinta madaxtinimadda doorashaddii dhacdey 15-kii May.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hadalheyn ayaa ka dhalatay talaabada uu madaxwayne Xasan Sheekh uu Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ugu magacaabay ergayga Arrimaha Gurmarka Abaaraha.

Dadka ka hadlaya qadiyadan ayaa cuksanaya qodobka 59aad ee dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya kaasoo xeerinaya sababaha uu Xildhibaanka ku waayi karo xubinimadiisa.

Warsame ayaa illaa haatan si furan uga hadlin falcelinta ka dhalatay magacaabidiisa. Sidoo kale, Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali caddeyn mowqifkeeda dhawaqa dadweynaha.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA MAGACAABIDA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Soomaaliya, kaddib markii uu qiimeeyay baaxadda iyo culeyska xilligan adag ay dadka Soomaaliyeed kala kulmayaan Abaaraha.

Magacaabidda Ergeyga Gaarka ayaa muujineysa sida uu Madaxweynuhu mudnaan gaar ah u siinayo abaaraha iyo wax ka qabashada waxyeeladeeda oo saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadka Soomaaliyeed ee xoolo dhaqatada ah iyo kuwa aan aheyn intaba.

Ergeyga Gaarka ah ayaa loo xilsaaray inuu heer qaran, heer gobol iyo calami intaba kala shaqeeyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso iyo daneeyayaasha kale, si loo helo xal waara oo lagu yareeyn karo, loogana gudbi karo saameynta abaaraha. Ergeyga gaarka ah wuxuu kale oo uu hormuud u noqon doonaa, isku dubaridka iyo u ololeynta kaalmooyinka caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur xilka Ergeyga u magacaabay, iyadoo la eegayo khibradiisa iyo fahamka uu u leeyahay arrimaha bini’aadantinimada iyo horumarinta bulshada.


Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Party wuxuu kamid ahaa musharaxiinta madaxtinimadda doorashaddii dhacdey 15-kii May. Qaybo kamid ah Soomaaliya waxaa haatan ka jira abaaro saameeyay dad iyo duunyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM