Warsame: Xalka waa in Farmaajo madaxtooyada banneeyo

Image
Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey ayaa wajahaya cadaadis xoogan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xalka qalalaasaha Soomaaliya wuxuu ku jiraa in Farmaajo baneeyo Madaxtooyadda si loo qabto doorasho, sida uu aaminsan yahay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ka dhawaajiyey in Farmaajo inta uu Madaxtooyada ku jiro "uusan joojineyn dhibka".

Sida laga soo xigtey Warsame oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook-ga, xaalada haatan ka taagan Soomaaliya waxay lamid tahay tan waqti xaadirkan ka jirta waddanka Lubnaan.

"Soomaaliya iyo Lubnaan waa labo dal oo xaaladdo badan oo siyaasadeed iskaga eg. Madaxweynihii hore ee Lubnaan Amiin Laxuud ayaa muddo xileedkiisii dhamaaday 24 November 2007, iyada oo aan Madaxweynahihii beddeli lahaa weli la dooran," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Laxuud, saqdii dhexe ee habeenkii 24-ka, ayuu ka guuray qasriga Baacabda ee Madaxtooyada Lubnaan. Waxaa xilka si ku-meel-gaar ah ula wareegay Fu’aad Sanyuura oo ahaa Raysalwasaarihii dalka, ilaa 25 May 2008 Misheel Sulaymaan Madaxweyne loo doortay".

"Xalku wuxuu ku jiraa in Farmaajo Madaxtooyada soo banneeyo, si dalka doorasho looga qabto, haddii kale inta uu halkaa ku jiro dalka doorasho aadi maayo, isaguna shiddo iyo dhib dayn maayo," ayuu kusoo xiray.

Warsame ayaa kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ahaa taliska Farmaajo afartii sano ee lasoo dhaafay isla markaana kala kulmay tacadiyadda ay kamid tahay weerar iyo beegsi shaqsi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM