Wasaarada arrimaha dibada oo ka hadashay weerarkii Ceel Baraf

Image
War-saxaafadeed ay soo saartey ayay qaylo-dhaan ugu dirtey saaxiibadda caalamiga ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarka ay Al-Shabaab saaka ku qaadey saldhiga ciidamadda howlgalka ATMIS ee degaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. 

Illaa haatan si dhab ah looma ogga khasaaraha guud ee weerarkaas ku bilowday qaraxa.

"Waxaan beesha caalamka ugu baaqaynaa in taageero heerkeedu sareeyo ay siiyaan ciidamadda AMISOM iyo howlgalka ATMIS si ay u dabar-gooyaan argagixisadda Soomaaliya," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda.

War kasoo baxay Al-Shabaab waxa ay ku sheegeen in dagaalamayaal katirsan ay weerar ku qaadeen aroornimadii hore ee saakay xero Ciidanka Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Deegaanka Ceel Baraf waxa dhowr ka dhacay weeraro Al-Shabaab ku qaaday saldhigyo Ciidamada Midowga Afrika ku leeyihiin deegankaas oo muhiim u ah isku socodka deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waa dhif iyo naadir in wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay ka hadasho weeraradda ay Al-Shabaab ka fuliso gudaha waddanka gaar ahaan kuwa lala beegsado xeryaha ciidamadda shisheeye iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADDA

May be an image of text

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM