Wasaarada Arrimaha Dibada oo si qarsoodi ah magaca looga badalay

Image
Marxuum Axmed Qaybe

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaarada Arimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si qarsoodi ah laga badalay magacii loo biixyey sanadkii 2013-kii ahaa Qaybe, sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.

Diplomaasi sarre Axmad Maxamad Qaybe ayaa wasiir ka soo noqdey Wasaarada dowladihii hore ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dhowaan dib loo doortey Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabad furan loogu baroordiiqayey AHN Diploomaasi Axmad Maxamad Qaybi sanadkii 2013-kii.

“Waxaan u joognaa xuska Marxuum Axmed qeybe, xusuustiisa si aanu jirsiino mar-walba waxaan halkaan ka soo jeedinayaa maadaama Marxuum Axmed Nolashiisa inta badan ku qaatay Diplomacy in xarunta Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya loogu magac daray Qeybe, wixii berri ka biloowda magaceeda laga dhigay Qeybe, si dhalinyaradda dambe ee Soomaaliyeed isku weeydiyaan Qeybe yuu ahaa ka dibna Taariikhdiisa iyo waxqabkiisa u helaan, waa dhaqan cusub oo bilow ah," ayuu xilligaas yiri Xasan Sheekh.

Magac badalka Wasarada arimaha dibada ayaa dhacay maalin ka hor inta aan wasiirkii Wasaarada arimaha dibada shaqada laga joojin halka dhinaca kale lagu mashquulsanaa xil-wareejinta labada madaxweyhe.

Sidda warsidaha GO u sheegeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo, amarka fulinta talaabaddan ayaa waxaa baxshey xafiiska Ra’isal Wasaaraha xil-gaarsiinta Rooble.

Marxuumka kale ee loo baxshey magaca wasaarada ayaa lagu magacaabaa General Cabdi Maxamad Samatar iyadoo sida wararka lagu kalsoon yahay darbiga lagu qorey magaca marxuumka loo baxshey Wasaarada la dhisay goor habeenimo ah saacado ka hor inta aysan soo bixin waraaqda xilka looga joojiyey wasiirka Wasaarada.

AHN Cabdi Maxamad Samatar ayaa, sida Garowe Online fahansan yahay, wuxuu kamid ahaa dadkii isku xilsaarey ilaalinta dokumentiga Wasaarada xiligii uu dhacey dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.

Samatar ayaa isku-hayb iyo saami-qeybsi siyaasadeed waxay yihiin Maxamed Xuseen Rooble.

Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadda oo maalmihii ugu dambeeyay si weyn looga cabsi qabay in inta lagu guda jiro xilliga kala guurka ay dhacaan xadgudubyo iyo xukuumada xilgaarsiinta ay baalmarto shuruucda wadanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM