Wasaarada Arrimaha Dibada oo u yeertay safiirka UK kadib hadalkii buuqa dhaliyay

Image
Diblumaasiga Ingiriiska ayaa kala saarey Soomaaliya iyo Somaliland falkaas oo dad badan ay ka caroodeen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Ahmed Moallim Fiqi Ahmed, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Michael Stephen Nithavrianakis.

Wada-hadallada ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo dib u xaqiijinta Boqortooyada Midowday ee Soomaaliya, madax-bannaanida dhuleed, iyo midnimada.

"Boqortooyada Midowday (UK) ayaa weli ah saaxiibka soo jireenka ah ee Soomaaliya, iyadoo door muhiim ah ka ciyaareysa amniga, horumarinta, iyo mashaariicda bani'aadamnimada," ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya todobaad kadib markii Danjiraha uu sheegay hadal buuq dhaliyay kaas oo uu ku kala saarey Soomaaliya iyo Somaliland uuna Fiqi hadalkaas ku qeexay xadgudub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM