Wasaarada Maaliyada oo u jawaabtey Hanti-dhowraha Qaranka

Image
Warbixinta hanti-dhowrka ayaa lagu muujiyay in ay maqan tahay aduun dhan in ka badan $96 milyan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka jawaabi doonto Warbixinta uu maanta soo saaray xafiiska Hanti dhowraha Qaranka.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri: "Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay la socotaa warbixinta Hanti-dhowrka Guud ee ku saabsan Xisaab-Xirka 2021-ka, ee uu sida tooska TV-yada uga sii daayay".

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Iyadoo la ixtiraamayo madax-bannaanida Xafiiska Hanti-dhowrka, Wasaaraddu waxa ay si qotto dheer u lafa-guridoontaa warbixinta Hanti-dhowraha Guud, iyada oo sida uga dhaqsiyaha badan Wasaaraddu ay ka soo saari doonto jawaabta ku habboon".

Maxamed Cali Afgooye, hanti-dhowraha qaranka oo la hadlay saxaafada, ayaa shaaca ka dhigay in baaritaanka ay ku ogaadeen in $96 milyan doolar ay ka maqan tahay qasnada dowladda.

"In ka badan $96 milyan ayaa ka maqan qasnada dowladda; $21 milyan kamid ah waxaa deyn ahaan looga qaatay Bangiga Dhexe sanadkii 2021-kii iyadda oo aan la caddeyn waxay tahay," ayuu xusay.

Baaritaanka ayaa si gaar ah waxaa loogu sameeyay 29 hay'ado dowli ah iyo laba safaaradood. "29 hay’adood oo la baaray ma lahayn qorshaha iibka sannadlaha. Guud ahaan hay’adaha DFS ayaa 2021 sameeyay iib dhan $106M," ayay raacisay warbixinta.

"105 heshiis oo ku kacay lacag dhan $14M oo aan laga soo diiwaangalin Xafiiska Hantidhawrka Guud," ayaa lagu yiri qormadda oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamadda ugu musuqmaasuqa badan guud ahaan aduunka. Mas'uuliyiinta xilalka haya ayaa si ba'an ugu takrifala awooda dowladda kuna kaca is-dabamarin maaliyadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo weeraro ka fulisay Koonfurta Soomaaliya

Al-Shabaab ayaa la dagaallamaya dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo muddo 30 sano ah ku guul-darreysatay inay amni buuxa ka hirgeliso dalka.

  • Soomaliya

    15-03-2025

  • 12:58PM

Xildhibaan Mucaarad ku ah Maamulka Xasan Sheekh oo Kursigiisa waayay

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay inuu banaan yahay kursiga HOP#201, oo matelaya gobollada waqooyi [Somaliland].

  • Soomaliya

    15-03-2025

  • 11:36AM