Wasaarada Maaliyada oo u jawaabtey Hanti-dhowraha Qaranka

Image
Warbixinta hanti-dhowrka ayaa lagu muujiyay in ay maqan tahay aduun dhan in ka badan $96 milyan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka jawaabi doonto Warbixinta uu maanta soo saaray xafiiska Hanti dhowraha Qaranka.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri: "Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay la socotaa warbixinta Hanti-dhowrka Guud ee ku saabsan Xisaab-Xirka 2021-ka, ee uu sida tooska TV-yada uga sii daayay".

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Iyadoo la ixtiraamayo madax-bannaanida Xafiiska Hanti-dhowrka, Wasaaraddu waxa ay si qotto dheer u lafa-guridoontaa warbixinta Hanti-dhowraha Guud, iyada oo sida uga dhaqsiyaha badan Wasaaraddu ay ka soo saari doonto jawaabta ku habboon".

Maxamed Cali Afgooye, hanti-dhowraha qaranka oo la hadlay saxaafada, ayaa shaaca ka dhigay in baaritaanka ay ku ogaadeen in $96 milyan doolar ay ka maqan tahay qasnada dowladda.

"In ka badan $96 milyan ayaa ka maqan qasnada dowladda; $21 milyan kamid ah waxaa deyn ahaan looga qaatay Bangiga Dhexe sanadkii 2021-kii iyadda oo aan la caddeyn waxay tahay," ayuu xusay.

Baaritaanka ayaa si gaar ah waxaa loogu sameeyay 29 hay'ado dowli ah iyo laba safaaradood. "29 hay’adood oo la baaray ma lahayn qorshaha iibka sannadlaha. Guud ahaan hay’adaha DFS ayaa 2021 sameeyay iib dhan $106M," ayay raacisay warbixinta.

"105 heshiis oo ku kacay lacag dhan $14M oo aan laga soo diiwaangalin Xafiiska Hantidhawrka Guud," ayaa lagu yiri qormadda oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamadda ugu musuqmaasuqa badan guud ahaan aduunka. Mas'uuliyiinta xilalka haya ayaa si ba'an ugu takrifala awooda dowladda kuna kaca is-dabamarin maaliyadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM