Wasaaradda caafimaadka DFS oo shardi ku xirey in daawooyin dalka la keeno

Image

(GO) - Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay bilaabayso la socodka dawooyinka warshadaysan, daawo-dhireedka iyo waxyaabaha la isku qurxiyo.

Wasaaradda ayaa go'aankan ku wargelisay ganacsatada soo dejisa badeecadaha la xiriira caafimaadka iyo dawooyinka la isku qurxiyo, sida ku xusan bayaanka ay soo saartey.

Xakameynta dawooyinka ayaa dhinacyo badan taabaneya waxaana ka mid ah bixinta ogollaanshoyaha soo dejinta, iyo la sacoshada dawooyinka suuqa lagu iibineyo iyo hubinta waxtarkoodii.

Ujeedka go'aankan ayaa lagu sheegay inuu yahay in sare loo qaado daaweynta bukaanada & kalsoonida ay bulshadu ku qabaan dawooyunka dalka loo soo dhoofiyo.

Go’aankani waxa uu qayb ka qaadan doonaa in la dhimo dawooyinka dhacay, kuwa tayadoodu liidato ama aan loogu talagelin in suuqa lagu wareejiyo. Halka maanta si cad loogu iibiyo goobaha caafimaadka.

Taas oo keentay xaalad kalsooni darro ah oo u dhaxaysa macaamiisha iyo ganacsatada, waxayna si xun u saamaysay xaaladda caafimaad ee dadweynaha, iyada oo aanay jirin cid ka hortagta xad-gudubyada noocaas ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM