Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo magacaabayo Taliyaha Ciidanka - XOG

Image

MUQDISHO – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Garowe Online ayaa muujinaya in Cabdulkadir Maxamed Nuur, oo si weyn loo yaqaan “Madaxaa na furan”, laga fekerayo in loo magacaabo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), arrin muujin karta isbedel weyn oo lagu sameynayo hoggaanka Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Cabdulkadir Maxamed Nuur oo hadda ah Wasiirka Dekedaha Soomaaliya, ayaa horey u soo qabtay xilal sare oo muhiim ah sida Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Caddaaladda, iyo Ku-xigeenka Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA). Waxa kale oo uu mar u adeegay dalka dibaddiisa, isagoo ahaa Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga — oo ah dalka ugu saameynta badan ee militari ahaan uga sugan Soomaaliya.

Haddii la magacaabo, C/qaadir Maxamed Nuur wuxuu beddeli doonaa General Odowaa Yuusuf Raage, oo muddo dheer soo ahaa taliyaha ciidanka xoogga, kana mid ahaa saraakiishii ugu dhawaa dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo. Odowaa, oo kasoo jeeda isla beesha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la rumeysan yahay inuu door xasillooni ah ka ciyaaray ciidanka muddadii uu xilka hayay.

Ilo wareedyo ka ag dhow Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia) ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si shaqsiyan ah u horumariyay Cabdulkadir Nuur laba jeer saddexdii sano ee la soo dhaafay, isagoo dhowaan u dalacsiiyay darajada Jeneraalka Sare (Major General). Tallaabadan ayaa keentay tuhun ku saabsan in magacaabistiisa taliyaha ciidanka ay qayb ka tahay qorshe siyaasadeed ballaaran oo Villa Somalia wado.

Xiriirka dhow ee Wasiirka la leeyahay dowladda Turkiga — oo ku leh Soomaaliya saldhigga milatari ee ugu weyn iyo tababarka ciidanka gaarka ah — ayaa sidoo kale dhaliyay dood ku saabsan saameynta ay Turkigu ku yeelan karaan magacaabista taliyeyaasha ugu sarreeya ciidanka.

Dadka dhaliilsan qorshahan ayaa ku andacoonaya in magacaabista Nuur aysan ku saleysneyn karti ciidan balse ay tahay isku day siyaasadeed oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu kursiga ugu diyaarinayo doorashada 2026, isagoo buuxinaya hay’adaha amniga dadka daacad u ah. Waxaa jira cabsi laga qabo in arrintani ay keento kala qaybsanaan siyaasadeed, mid qaran, iyo in amniga sii xumaado.

Dhinaca kale, taageerayaasha Cabdulkadir Maxamed Nuur ayaa ku doodayo in khibraddiisa ballaaran ee ku saabsan amniga, cadaaladda, iyo diblomaasiyadda ay ka dhigeyso qof ku habboon hogaaminta Ciidanka Xoogga Dalka xilli muhiim ah oo lagu jiro dib-u-habeyn. Aqoon uu u leeyahay iskaashiga militari ee dibadda, gaar ahaan Turkiga, ayaa lagu tilmaamay inuu yahay fursad muhiim ah oo loogu adeegayo dib-u-dhiska hay’adaha difaaca dalka.

Garowe Online ayaa si dhow ula socon doona isbedellada ku saabsan magacaabistan suurtagalka ah,waana soo gudbin doontaa wixii soo kordha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Saddex qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Beled Xaawo

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Janan uu hadda ku sugan yahay xero ciidan oo ku taal magaalada Balad-Xaawo.

  • Soomaliya

    26-07-2025

  • 09:35AM

Intee la egyahay Khasaaraha Ciidanka DFS kasoo gaarey dagaalka Sabiid iyo Caanoole?

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in hawlgallo daba-gal ah ay weli socdaan si loo soo qabto dagaalyahanada Al-Shabaab ee kale.

  • Soomaliya

    26-07-2025

  • 06:37AM