Wasiir Cabdirashiid Janan oo lagu soo dhaweeyay Beledxaawo

Image

KISMAAYO, Jubaland - Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur [Janan], ayaa maanta oo Talaado ah lagu soo dhaweeyay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Wallow aan la ogayn ujeedka safarkiisa, Janan oo kasoo kicitamay waddanka Kenya waxaa soo dhaweyntiisa ka qeybgalay maamulka iyo bulshadda, kuwaasoo si diiran u qaabilay Wasiirka.

Talafishinka ku hadla afka Jubaland ayaa sheegay in Janan uu la hadli doono saxaafadda isla markaana uu ka warbixin doono qabashadiisa iyo mudadii uu u xirnaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Socdaalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo dalab ka dhan ah mas'uulka loo gudbiyey Kenya. Hay'adda Amneysta waxay codsatay in la qabto Janan isla markaana loo gacan-geliyo Dowladda Soomaaliya.

Hay'addan u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay "in aysan caqli gal ahayn" in Janan uu ka baxsado cadaaladda "maadaama lagu tuhunsan yahay dambiyo culus".

Xukuumadda Muqdisho ayay ku boorisay in isla markiiba uu soo galo gacanteeda ay maxkamadeyntiisa ka dhigto mid daahfuran oo aanan marnaba dib loo dhigin.

Bishii August 2019, Janan ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo ka yimid Doolow kuna sii jeeday caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

28-kii Janaayo 2020, booliska Soomaaliya ayaa shaaciyey in Janan uu ka baxsadey goobtii uu ku xirnaa oo ku dhow xarunta Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya.

31-kii Janaayo 2020, maamulka Jubaland ayaa xaqiijiyey in Janan uu doon ku tegay magaalada Kismaayo, wuxuuna isla maalintaas uu diyaarad qaas ah ugu soo gudbay Kenya "si lo hubiyo caafimaadkiisa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM