Wasiir Fiqi oo dhaliilay shirkii Nairobi: "Mustaqbalka Soomaaliya laguma go'aamiyo dibadda"

Image

Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si kulul u dhaliilay shir dhowaan lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasoo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha Puntland, Jubaland, iyo xubno ka tirsan Madasha Badbaadada Qaranka.

Wasiir Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Facebook Khamiistii, ayaa sheegay in natiijada shirkaasi ay u adeegayso danaha shisheeye halkii ay ka tarjumeyn danaha shacabka Soomaaliyeed.

“Mustaqbalka Soomaaliya waxa uu ku jiraa gudaha dalka, laguna go’aamin karo meel shisheeye oo danaha aan Soomaaliyeed aheyn lagu fulinayo,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa eedeeyay siyaasiyiinta ka qeyb galay shirkaas, isaga oo ku tilmaamay kuwo carqaladeynaya dadaallada dowlad-dhiska Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aysan la aqbali karin in dad kasoo horjeeda dowladnimada Soomaaliya ay ka arrinsadaan aayaha dalka.

“Mustaqbalka Soomaaliya looma dhaafi doono kuwii weeraray saldhigga booliska Wardhiigley iyo kuwii gadaal ka taageerayay. Soomaaliya waxa ay leedahay dowlad sharciyad leh, mas’uuliyaddeeduna tahay in ay hoggaamiso jihada uu dalka u socdo,” ayuu sii raaciyay.

Fiqi ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar ay ka mid yihiin wax-soo-saarka shidaalka, sugidda amniga, iyo dadaallada loo marayo hirgelinta cod-bixinta dadweynaha, balse ay "nasiib darro" tahay in shaqsiyaad "taariikhahooda hore la yaqaan" ay isku dayayaan in meel ka baxsan dalka lagaga taliyo masiirka shacabka Soomaaliyeed.

Shirka Nairobi waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Saacid Shirdoon, iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxay ka wadahadleen xaaladda siyaasadeed iyo amniga dalka, iyagoo isla meel dhigay in la dhiso "Guddiga Mustaqbalka Soomaaliya" (Somali Future Council).

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qorsheynayo safar uu ku tagayo magaalada Kismaayo si uu wadahadal ula yeesho madaxda Jubaland, loogana gudbo is-mari waaga siyaasadeed, lana dardar geliyo qorshaha doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM