Wasiir horey xil uga soo qabtey HirShabelle oo lagu dilay Muqdisho

Image
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda mas’uuliyadda khaarijinta mas'uulkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxo hubeysan ayaa Isniintii shalay ahayd waxa ay degmada Yaaqshiid ku dileen Wasiirkii hore ee Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle, Xasan Axmed Muudeey.

Sida dadka deegaanka ay sheegeen, ragga dilka geystay ayaa waxa ay beegsadeen Muudey wax yar kadib markii uu ka soo baxay Masjidka oo uu ku soo tukaday Salaadii Casir.

Dableyda dilka geysatay ayaa waxaa u suurtagashay in ay goobta ka baxsadaan ka hor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidamada ammaanka oo baaritaan sameeyay.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka sarkaalkan.

Marxuumka ayaa horay u soo qabtay xilka Wasiirka Beeraha, xilligii Madaxweynihii labaad ee Hirshabeelle, Dr. Maxamed Cabdi Waare, oo hadda ah Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan ilaalinta iyo xasilinta rayidka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa si kulul u cambaareeyay dilka wasiirkii hore, isagoo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska Muudeey.

Dhacdadaan ayaa timid hal maalin un kadib markii Daahir Maxamed Kaanti oo ka mid ahaa saraakiisha dowladda hoose ee Jowhar uu ku dhintay qarax miino oo ka dhacay suuqa xoolaha ee magaaladaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM