Wasiir ka tirsan Xukumadda Rooble oo xildhibaan loo doortay

Image
Xasan Cabdinuur ayaa ku soo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#184 oo ay ku tartameen Maxamed Cabdullaahi Cali.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa billaabey maanta doorashadda shan kursi oo Gollaha Shacabka kamid ah, iyada oo Wasiika Tamarta dowladda Federaalka Xasan Cabdinuur Cabdi uu ku soo baxay ugu horreeyay ee la doortay sanadka cusub ee 2022 .

Xasan Cabdinuur ayaa ku soo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#184 oo ay ku tartameen Maxamed Cabdullaahi Cali.

Codeyn kaddib Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Dowlad-Goboleed (SEIT Koofur Galbeed) ayaa sheegay in Xasan Cabdinuur oo ah Xildhibaankii ku fadhiyay kursigaan Baarlamaankii 10aad uu markale ku guuleystay.

Natiijada Xasan uu ku helay kursiga HOP#184 ayaa gaaraya 72 Cod halka musharaxa kale ee la tartamay oo ah Maxamed Cabdullaahi Cali uu helay 27 cod, labo cod ayaa halaabay, sidaas waxaa ku guuleystay Xildhibaankii kursiga ku fadhiyay.

Xasan Cabdinuur waa Wasiirka Tamarka & Khayraatka Biyaha XFS waxa uu Baydhabo u tagay sidii uu markale usoo heli lahaa Kursiga Golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka ee 11aad Soomaaliya oo ugu dambeyn maanta ku guuleystay.

Dhanka kale, waxaa loo gudbay Doorashada Kursiga labaad ee tirsigiisu yahay HOP#085 oo ay ku tartameen musharixiinta kala ah, Shariif Maxamed Cabdulaahi oo kursigaan ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad & Maxamed Xuseen Mukhtaar waxaa kursigaan ku guuleystay Shariif oo helay 79 cod, Maxamed waxaa u codeysay 19 ergo halka ay halaabeen 3 cod sida uu sheegay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee SEIT Koofur Galbeed.

Koofur Galbeed ayaa horay loogu eedeeyay in ay qabatay doorasho ay ku xubteen xubno taabacsan madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galaangal feecan ku leh madaxtooyada Baydhabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM