Wasiir ku-xigeenka gaashaan-dhigga DF oo is casiley

Image

February 7, 2015 (GO)- Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (Cabdiraxmaan Dheere) ayaa iska casiley xilkii labo maalmood kahor Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid usoo magacaabay ee ahaa Wasiir ku-xigeenka Gaashaan-dhigga.

Cabdiraxmaan Dheere oo la hadlay warbaahinta Muqdisho, wuxuu sheegay in sababta keentay inuu xilkaas iska caliso tahay maadaama markii la magacaabayey aan isaga wax wadatashi ah lagala sameyn xilkuna yahay mid aan lagu saleyn hannaanka awood qaybsiga ee saxda ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wuxuu sidoo kale sheegay in go'aankan uu qaatey kadib markii uu wadatashi ballaaran la sameeyey siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha uu kasoo jeedo.

" laygalama tashan mgacaabista la ii magacaabay wasiir ku-xigeenka gaashaan-dhigga Soomaaliya, waana mid khilaafsan hannaanka awood qaybsiga beelaha" ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (Cabdiraxmaan Dheere oo ah xildhibaan ka tirsan Barlamanka Federaalka, horay ayuu usoo noqdey wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaan-dhigga xiligii xukumadii Ra'isal Wasaare Saacid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM