Wasiirada Beeraha federaalka iyo maamulada oo shan qodob ku heshiiyay

Image
Isfahamkan ayaa ka dambeeyay kadib kulan ka qabsoomay magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS Maxamed CabdiXayir (Maareye) oo ay wehliyaan Wasiirrada Maamul Gobaleedyada ee Beeraha oo safar shaqo u joogo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa shir ku yeeshay Xarunta Dhexe ee Wasaradda Beeraha & Waraabka Hirshabale.

Safarkan oo ujeedkiisu ahaa "SOCDAALKA XOOJINTA TABCASHADA BEERAHA
IYO LA QABSIGA ISBEDELKA CIMILADA (2024) oo lagu marayey dhammaan mamul gobaleedyada dalka.

Inta uu kulanka socday, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa soo bandhigtay howlaha la xariiro beeraha ay ka wadaan Maamul Goboleedka Hirshabelle sida Mashaariicda Horumarineed ee Beeraha.

Inta uu socday kulanka Wasiirada, Madaxdu waxey sido kale la kulmeen Iskaashatoyinka Beeraha ayaga oo la wadaagay Siyaasadda Qaran ee Iskaashatooyinka Beeraha, Siyaasadda Qaran ee Fidinta Beeraha, Howlaha Horutabinta u leh Dowladda ee dhanka Beerhiyo sida ay Wasaaradda Beeraha uga go'antahay caawinta iyo garab istaagga beeraleyda Soomaaliyeed.

Gelinkii dambe ayey Wasiirradu kormeer shaqo ku tageen xarumo muhiim u ah Wax-soo-saarka sida: Warshadda Bariiska, Beeraha bariiska oo ay Wasaaradda leedahay.

Gabagabadii waxaa la isla qaatey:

1- istaatijiyad ay ku madeysan yihin wasaaradaha Beeraha labada heer.

2- Xoojinta Tabcashada Casriga Beeraha

3. laqabsiga cimillada iyo darder gelinta maahaariicda Horumarineed ee beeraha

4. Xoojinta Wadashaqeynta Wasaaradaha Beeraha ee labada heer.

5. Dhiri galinta iyo nidaaminta iskaashatooyinka Beeraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sarkaal Sare oo Boolis ah oo Ka Badbaaday Qarax Muqdisho Ka Dhacay

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay hay’adaha ammaanka Soomaaliya wadaan dadaallo ay ku xoojinayaan amniga caasimadda.

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 11:50AM

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM