Wasiirada difaaca Soomaaliya iyo Turkiga oo wadahadalo yeeshay

Image
Wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya ayaa soo bandhigtay fahfaahinta wadaxaajoodkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka difaaca Soomaaliya Abdulkadir Mohamed Nur (Jaamac) ayaa qadka taleefoonka kala hadaley dhigiisa dalka Turkiga, Hulusi Akar oo baarritaan kadib Covid19 laga heley.

Sida ay sheegtay wasaaradda oo qoraal kooban ku daabacdey barteeda Facebook-ga, Jaamac ayaa u wacay Akar si uu ugu rajeeyay soo kabasho deg-deg ugana mahadceliyo taageeradda "joogtada ah".

"Waxaan qadka taleefoonka ka wada hadalney Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Dowlada aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Hulusi Akar oo baarritaan kadib COVID-19 laga heley," ayuu yiri Jaamac.

Wuxuu ku daray: "Waxaan u rajeeyey inuu Ilaahey SW caafimaad deg deg ah siiyo, waxaana uga mahad celiyey is garab istaaga hagar laaneed oo uu mar walba la garab taaganyahay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed".

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa laga helay cudurka Covid-19, sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah oo soo xigatay illo aad ugu dhow Madaxtooyadda dalkaas.

Waxa uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Sabtidii: "Maanta aniga iyo xaaskayga waxaan iska baarnay cudurka 'Covid-19'. Allaa mahad leh, waxaan la kulannay astaamo yar oo ah nooca Omicron".

Edogan oo 67 jir ah, ayaa fariintan soo diray kadib markii uu qaab maqal iyo muuqaal ah kaga qeybgalay xaflad lagu furayay tunnel oo ka dhacday Istanbul, wallow falkaas loo aaneeyay cimiladda oo xumaatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Dib u Celiyay Baasaboorka Kenya

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Jibriil bishii Juun laga celiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Nairobi.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 02:08PM

Mucaaradka Soomaaliya Oo Sharci-darro Ku Tilmaamay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka

War-saxaafadeedka ayaa kusoo beegmaya iyadoo dalka uu ka taagan yahay muran la xiriira sharciyadda hay'adaha dowladda.

  • Soomaliya

    02-08-2026

  • 08:08PM