Wasiirada oo ka shiray amniga xilli Al-Shabaab kordhisay weerarada

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Maleyshiyada ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay beegsatay fariisimo ciidan iyo degaano ay ka bilowdeen kacdoon looga soo horjeedo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre, ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda oo looga hadlay xoojinta qorshayaasha sugidda amniga, dar-dar galinta Gurmadka Abaaraha iyo barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya.

Shirka oo warbixinno looga dhagaystay wasiiradda Amniga, Arrimaha gudaha iyo Maaliyadda ayaa ugu horayn Wasiirka Arrimaha gudaha looga dhageystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha gurmadka lagu samata bixinayo shacabka Soomaaliyeed, iyo sida ay laga maarmaan u tahay in la sii xoojiyo gurmadka si loo badbaadiyo malaayiin ka mid bulshadeenna oo ay saameysay abaartu.

Wasiirka Amniga gudaha ayaa shirka ku soo bandhigay warbixin la xiriirta howl-galladii ugu danbeyay ee ciidamada qalabka sida ee ka sameyeen dhinacyada sugidda amniga ,iyo xasillinta deegaanada laga xorreeyo nabad-diidka.

Maleyshiyada ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay beegsatay fariisimo ciidan iyo degaano ay ka bilowdeen kacdoon looga soo horjeedo gaar ahaan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Wasiirka Maaliyadda ayaa warbixin muhiim ah ka siiyay halka uu marayo barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado si looga mira dhaliyo hadafka weyn oo suurta galinaya isku filnaansho dhaqaale , sare u qaadista shaqo abuurka, soo jiidashada maalgashi caalami ah iyo dhiirri-gelinta wax soo saarka Dalka iyo horumarka bulshada.

GAROWE ONLONE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM