Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay heshiis lala galay shirkad Imaaraati ah

Image
Shirka Golaha waxaa guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey Xisaab Xirka Hey’adaha Dowladda ee sanad Maaliyadeedka 2023, kaas oo si faah-faahsan u qeexaya hannaanka loo isticmaalay iyo habraacyadii kala duwanaa ee uu soo maray xisaab xirka.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu meel-mariyey Heshiis-is-afgarad ah ee u dhexeeya Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga iyo Shirkadda Dekedaha ee Abu-Dhabi Ports Group.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan dagaalladii horraantii Bishan Luulyo ka dhacay Degmeda Luuq waxa uu ka dhageystay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo kamid ahaa wafdi ay dowladdu halkaas u dirtay, iyada oo Xukuumadda DanQaran oo kaashanaysa dowlad goboleedka Jubbaland ay ku guulaysatay Xabbad joojin iyo in dhibkii dhacay wadahadal lagu xalliyo.

Golaha ayaa Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ka dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka socda qaar kamid ah gobollada, waxuuna goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidanku ka gaarayaan sifeynta argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM