Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyey saddex hindise sharciyeedyo

Image
Golaha Wasiiradda ayaa guddi u saaray xaqiijinta ka saarista Soomaaliya cunaqabateynta hubka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirada ayaa maanta yeeshay shirkooda todobaadlaha ah oo uu guddoomiyay Ku-simaha Ra’iiisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Saalax Axmed Jaamac.

Shirka Golaha ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedyada kala ah; Dhiirigelinta Maalgashiga, Hindise Sharciyeedka Hey’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed iyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah. Golaha ayaa boggaadiyey guulaha isdaba joogaa ee laga gaaray howlgallada xoreynta ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

Golaha ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cunnada Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiyada, iyadoo dhinaca kale goluhu guddi u saaray xaqiijinta ka saarista Soomaaliya cunaqabateynta hubka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM