Ahmiyadda xal u helida is-qabqabsiga $100 milyan

Image
Wasiiradda Maaliyadda - heer federaal iyo maamul goboleed - ayaa Isniinta berri ah shir uga furmayaa Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiradda Maaliyadda dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Axada maanta ah waxay bilaabeen in ay soo gaaraan magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Mas'uuliyiintan ayaa waxay qeybgalaan shirka berri furmaya ee looga hadlayo muranka ka dhashay lacagta $100-ka milyan doolar ee Bangiga Aduunka ugu deeqay Soomaaliya horaantii sanadkan.

Xasan Shire Cabdi Abgaal, wasiirka maaliyada dowladda Puntland oo qayb ka ah Golaha Wasiirada Maamuladda, ayaa kamid ah xubnaha ka dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda maaliyada dowladda Puntland ayaa lagu xaqiijiyey in wasiir Abgaal uu ka qeybgeli doono kulankaas wallow aysan ka hadlin qodobada shirka diiradda lagu saarayo.

"Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaaray Muqdisho iyagoo ka qayb galaya shir u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Maaliyadda Dowladaha xubnaha ka ah DFS," ayay ku tiri war-saxaafadeed kooban.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Waftiga Wasiirka Waxaa Ka mid ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabdi Cilmi iyo Agaasime Ku-Xigeenka Guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir iyo saraakiil kale oo Wasaaradda katirsan".

Kulankan ayaa ka dambeeyay markii wasiiradda maaliyadda maamuladda ay ku dhawaaqeen in ay joojiyeen wadashaqeyntii waaxda lacagta federaalka kadib markii ay jebisay heshiisyo ay horey u wada galeen.

Xal u helida murankan ayaa muhiim u ah geedi-socodka deyn cafinta Soomaaliya maadaama mid kamid ah shuruudaha ku xiran dhaafida qaantan ay tahay dib-u-habeynta habka maaliyada iyo wadashaqeynta dhinacyada.

Soomaaliya ayaa sanadihii lasoo dhaafay horumar ka sameysay shuruudahan iyadda oo soo gaartey barta mudnaanta in deynta laga dhaafo waxayna noqotey mid kamid ah wadamadda sida dhaqsiyada u buuxiyey.

Xasaradaha siyaasadeed ee ka dhashay doorashooyinkii baarlamaanka iyo madaxtinimadda ee 2021-22 ayaa hakiyey geedi-socodka wallow aysan saameyn badan abuurin haddana muranka cusub wuxuu wataa halis weyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo Wadahadal ugu baaqdey dowladda Soomaaliya

Wasiirka oo VOA ay wareystay ayaa ka hadlay soo noqoshada uu Kismaayo ku soo noqday Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo Kenya.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 07:20AM

Soomaaliya: Axmed Madoobe oo Kismaayo dib ugu laabtay

Markii uu tagey Nairobi, waxaa soo baxayay warar ku saabsan inuusan Axmed Madoobe dalka kusoo laaban karin, iyadoo hadda soo laabtay.

  • Soomaliya

    02-02-2025

  • 12:58PM