Wasiirka ammaanka oo ka aamusan "gumaadka" Afar Irdood

Image
Khasaaraha dhimashada shacabka ee "xasuuqan" ayaa sii kordhaya xilli dowladda aysan wali qaadin wax talaabo ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka amniga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka aamusan "xasuuqa" ay Al-Shabaab dadka shacabka ah ugu geysatay degaanka Afar Irdood ee gobolka Hiiraan.

Inkasta oo hogaanka ugu sareeya dalka ay cambaareeyeen, haddana Dr Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe ayaa mas'uul uga ah xukuumadda sugida ammaanka iyo xasilinta guud ahaan waddanka.

Lama ogga sababta uu Mr Doodishe uga gaabsanayo in uu ka hadlo dhacdadan oo in ka badan 24-saac ay kasoo wareegatay tan iyo markii dadka shacabka ah ay laysay maleyshiyadda Al-Shabaab.

Iyadda oo xasuuqaan uu ka dhacayo gobolka, Wasiir Doodishe ayaa saacadihii lasoo dhaafay wuxuu mid kamid ah Hotelada Muqdisho uga qeybgalay kulan looga hadlayo badqabka suxufiyiinta Soomaaliya.

In ka badan 20 qof ayaa lagu waramayaa in ay ku naf-waayeen weerar toos ah iyo qarax miino oo Al-Shabaab ay la beegsatay dadka shacabka ah ee ku sugan degaanka Afar Irdood ee duleedka Beledwayne.

Gobolka Hiiraan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socdey howlgalo saf-ballaaran oo ay hormuud ka yihiin dadka degaanka ee la baxay Macawiisley kuwaasoo dagaal ba'an la galay maleyshiyadda hubeysan.

Wasiirada oo lagu baaqay in ay Suudadka dhigaan

Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waa suudadka ay xiraan ku badalaan tuutaha ciidamadda si loo joojiyo xasuuqa Al-Shabaab ku hayso shacabka, sidda uu ku taliyey khabiir.

Cabdirashiid Xaashi Khaliif, agaasimihii hore ee Machadka Heritage, ayaa sheegay in talaabadan ay muhiim tahay in ay ka bilaabato mas'uuliyiinta ugu sareysa dalka gaar ahaan wasiiradda xukuumadda federaalka.

Khaliif oo qoraal kooban ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa rumeysan in arrintan ay mirodhal u noqon karto maamulka Xasan Sheekh Maxamuud "maadaama ay u shaqeysay Shariif Sheekh Axmed".

"Si loo joojiyo xasuuqa Al Shabaab iyo si looga hortago in Soomaaliya ay gacmahooda ku dhacdo [sida Taalibaan ee Kaabuul muddo aan fogayn] — dhammaan mas’uuliyiinta dawladda ee ka bilaabanaya wasiirrada waa in ay meesha ka saaraan suudka ayna qaataan tuutaha," ayuu yiri.

Falanqeeyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaas kusii daray: "Tani waxay u shaqeysay @HESharifShAhmed waxayna u shaqayn kartaa @HassanSMohamud".

Weerarka khasaaraha badan dhaliyey ee ka dhacay degaanka Afar Irdood ayaa daba socdey markii Al-Shabaab ay dib ula wareegtay tuuladda Ceel-Cade ee isla gobolka Hiiraan oo maalmo kahor ay qabsadeen Macawiisley.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM