Wasiirka Amniga oo Digniin Adag u Diray Mucaaradka Xili Banaanbax laga qorsheeyay Muqdisho

Image

MUQDISHO – Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa Jimcihii amar ku siiyey laamaha ammaanka in ay si adag uga hortagaan cid kasta oo khatar ku ah nabadgelyada caasimadda, isagoo ka digay in isku day kasta oo lagu carqaladeynayo ammaanka Muqdisho lagu wajihi doono "gacan bir ah."

Fartaag ayaa amarkan bixiyay kadib shir amni oo uu la yeeshay hay’adaha dowladda federaalka iyo mas’uuliyiinta gobolka Banaadir. Tallaabadan ayaa timid iyadoo ay jiraan xiisado siyaasadeed oo ka dhalatay weerar ay kooxo hubeysan oo la safan siyaasiyiinta mucaaradka ku qaadeen saldhigga Booliska Warta Nabadda, halkaas oo ay ka xoreeyeen maxaabiis, taasoo keentay iska horimaadyo dhimasho sababay.

“Waa ceeb in rag horey dalka u hoggaamiyay, haddana raba inay mar kale hoggaan noqdaan, ay ku weeraraan saldhig boolis hub culus, iyagoo sheegaya inay dammaanad u fidinayaan dad xiran,” ayuu yiri wasiir Fartaag. “DShK iyo B-10 laguma fidiyo dammaanad. Waxaa habboonayd inay la xiriiraan taliska booliska Soomaaliyeed, si sharci ahna loo wajaho arrinta.”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay meel ammaan ah, isla markaana aysan oggolaan doonin in lagu dhex arko hub culus iyo gaadiidka dagaalka. Wuxuu si cad ugu digay siyaasiyiinta mucaaradka in aysan mar kale ku celin ficillada rabshadaha wata, isagoo sidoo kale si weyn u dhaliilay hanjabaadaha ka imanaya kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan afhayeenkooda Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

“Kuwo afka u furaya argagixisada waxaan leeyahay: Muqdisho waxaa xoog looga saaray Al-Shabaab, waana in taas la fahmaa,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka Amniga ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha mucaaradka ee ah inay Sabtida qabtaan mudaharaad. Wuxuu sheegay in sharciga Soomaaliya oggol yahay isu-soo-bax nabadeed, balse uusan marnaba la aqbali doonin isu-soo-baxyo ay ilaaliyaan kooxo hubeysan, kuwaas oo khatar gelin kara nabadgelyada guud.

Hadalka wasiirka ayaa muujinaya khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, iyadoo mucaaradka ay ku adkeysanayaan inay qabanayaan bannaanbaxa, halka dowladda ay sheegtay in aysan oggolaan doonin wax mudaharaad ah oo khalkhal gelin kara amniga caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM