Wasiirka arimaha dibada DFS oo ka hadlay rabshadaha Koonfur Afrika

Image

MUQDISHU, April 17, 2015 (GO)- Dowlada Somalia ayaa sheegtey in ay aad ugu walaacsan tahay weerarada lala beegsanayo dadka ajaanibta ah oo Somalida kamid yihiin kuwaasoo loogu gaysanayo dalka Koonfur Africa.

Wasiirka arimaha dibadda Somalia Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa sheegey in weeraradaas aad u cambaareynayaan isaga oo xusey in aad uga xun yihiin dhacdooyinka ka dhacaya dalka Koonfur Africa.

Hadliye oo la hadlay idaacada VOA ayaa xusey in dowlada Koonfur Africa ka dalbadeen in dhacdooyinka ka dhacaya wadankaas si deg deg ah wax uga qabato isaga oo xusey in talaabooyinkaan yihiin kuwa bini'aadnimada, diinta iyo Afrikanimada kasoo horjeeda.

Wasiirka ayaa ku sheegey in dadka Somalida ah oo la bartilmaameedsanayo yihiin kuwa shaqeysanaya islamarkaana wax u qabanaya shacabka reer Koonfur Afrika kadib markii adeegyo u geeyeen goobaha fog fog ee dalkaas.

Cabdisalan Hadliye oo la waydiiyey qorshaha dowlada Somalia ee ku aadan dadkaas madaama wadamo Afrika ku dhawaqeen in muwadiniintooda kala baxayaan wadanka Koonfur Afrika ayaa yiri "Hadii dhibaatada sii socoto, waxaan si deg deg u qorsheyneynaa sidii dadka Somalida looga soo daadgureyn lahaa dhulka khatarta ka taagan tahay".

Wasiirka arrimaha dibbada ayaa ugu baaqey dadkaan madaama arrimo gacancsi u tageen dalkaas iney go'aan ka gaaraan sidii naftooda u badbaadin lahaayeen islamarkanaa uga soo baxaan wadankaas isaga oo xusey in guddi isagu madax ka yahay dowlada Somalia u xilsaartey arrimaha ka taagan Koonfur Afrika.

Wadanka Koonfur Afrika ayaa maalmihii la soo dhaafey waxaa ka taagna rabshado lagaga soo horjeedo dadka u dhashey wadamada Afrika kuwasoo ganacsi ku leh degaanada fog ee dalkaas gaar ahaan magaalada Durban.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM