Soomaaliya: Wasiir si xooggan u difaacay sawir aad uga faafay

Image
Abshir Haruushe ayaa ku adkeystay in aysan jirin qaab ka wanaagsan "baarinimadaas" uu muujiyey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Soomaaliya ayaa sharaxaad ka bixiyay sawir diyaarad dusheed looga qaaday isaga iyo Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Sawirkaas oo aad u faafay ayaa muujiyey Abshir Haruushe oo hoos fadhiya wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah iyo nin shacab ah oo rakaabka ka mid ahaa.

Haruushe ayaa hoosta ka xariiqay in aysan waxbo ka jirin "siyaabaha qaldan" ee sawirka loo fasiray, taasi badelkeedana uu ahaa arrin si niyad wanaag ah ku dhacday.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in uu dhagaysanayay cabasho uu qabay qofka rakaabka ah oo ah nin Soomaali ah oo degen Canada, taas oo quseysay wasaaradiisa.

“Wax ka wanaagsan ma sameeyeen in aan dabacsanaan, baarrinimo iyo nuglaan ku dhegeysto waxna ka qabto baahidiisa ma ahine, iyadii ayaanna sameeyey," ayuu ku difaacay sawirka.

Diblumaasiga ugu sareeya Soomaaliya ayaa ka shanqariyey "in aysan suurtogal ahayn in uu istaag ku dhagaysto Ra’isulwasaaraha iyo qofka shacabka ah".

Hadalkan uu wasiirka soo dhigay ciwaankiisa Facebook-ga ayaa u muuqday mid lagu sababaynayo in uu hoos fariistay qofka shacabka ah ee uusan hoos fariisan Ra'iisul Wasaaraha.

Sawirkan ayaa la qaaday safarkii uu Xamse shalay ku aaday Masar halkaasoo saddexda maalmood soo aadan ay joogi doonan ayna Qaahira kula kulmi doonan madaxda sare ee waddankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM