Wasiirka arrimaha dibadda Italy oo kusoo wajahan Muqdisho

Image
Image
Image
Tani ayaa ka dambeysay markii marti-qaad booqasho rasmi ah uu ka helay dhigiisa Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa safar shaqo ku tagay caasimadda Rome ee dalka Talyaaniga.

Cali ayaa wuxuu kulan la qaatay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee waddanka Talyaaniga, Luigi Di Maio, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Labada Dal.

Labada Wasiir ayaa kulankooda diiradda ku saaray adkaynta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga dheef-wadaagga ah ee ka dhexeeya Soomaaaliya iyo Talyaaniga.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalka oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa hoosta ka xariiqay in xiriirka labada dal ku qotoma dhinacyada diblomaasiyadda, waxbarashada iyo dhaqanka.

Wasiir Cali ayaa dhiggiisa dalka Talyaaniga u fidiyey martiqaad ku saabsan in uu booqasho ku yimaaddo Muqdisho, si loo dardar geliyo iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga soojireenka ah ee Labada Dal, isaga oo Wasiir Luigi Di Maio aqbalay casuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM