Wasiirka Cadaaladda Somalia oo Washington shir kaga qayb galay

Image

February 19, 2015 (GO)- Shir looga hadlayey xagjirnimada oo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey ka soconayey magaalada Washington ee xarunta dalka Maraykanka ayaa lasoo gaba gabeeyey.

Shirka oo ka dhacay Aqalka Cad waxaa lagu casumey wufuud caalami ah oo ka socotey ku dhowaad 30 dal iyo weliba ergooyin metelayey bulshooyinka muslimka ah ee ku nool dalka Maraykanka.

Dowladda Federaalka Somalia waxaa shirka uga qayb galay wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Cadaaladda Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir.

Ilka-jiir oo waraysi gaar ah siiyey idaacadda VOA, wuxuu sheegay in Somalia shirka la tagtey ajandeyaal dhowr ah islamarkaana soo gudbisey afkaarteeda ku aaddan qaabka lagu dabarjari karo fikirka xagjirnimada.

Mar la weydiiyey qodobadii Somalia soo jeedisey wuxuu sheegay inay ugu muhiimsanaayeen ku dhaqanka mabaadi'da saxan ee diinta iyo weliba in bulshada wacyi gelin badan loo sameeyo culimada diintuna arrintaas kaalin weyn ka qaataan.

Badi ergooyinkii shirkaas ka qayb galay ayaa isku raacay in xagjirnimada iyo Islaamka wax xiriir ahi ka dhexeyn dhammaan dadka Muslimka ahna aan xagjiriin loo aqoonsan karin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM