Wasiirka caddaaladda oo beeshiisa ku abuubalaya macawuusleey balse dalabaad la hor dhigey

Image
Image

MUQDISHO, (GO) - Wasiirka caddaalada Soomaaliya Xasan Macalin ayaa kulan isugu keenay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo saraakiisha beeshiisa Murusade, kaas oo looga wada hadlay sidii abaabul ciidan beeleed oo ka dhan ah Alshabaab loo samayn lahaa.

Balse wasiirka ayaa wajahay suaalo iyo cabashooyin beesha ay ka qabto saami qeybsiga dowladda madaxweyne Xasan Sheekh oo beesha keliya ka dhex xushay shaqsiyaad ka tirsan kooxdiisa, kuwaas oo keliya ka shaqeeya danaha kooxdaasi.

Waxyaabaha kale ee lasoo bandhigay ayaa waxaa ka mid ah in beesha aysan ciidanka dowladda ee gobolada dhexe ku lahayn saraakiil ciidan oo ku filan, kuwaas oo xoojin kara kacdoon shacab oo ka dhan ah Alshabaab.

Dhinaca kale beesha, siyaasiyiintooda, saraakiishooda ayaa qayb libaax ka qaadatey kacdoonkii lagu diidana kororsigii sharci darada ahaa ee Madaxweynaha xilka baneeyey. 

Wasiir Xasan Macalin ayaa balanqaaday in madaxweynaha uu kasoo dhamaynayo xuquuqda ciidan ee ku maqan.

Beeshan oo ahayd tan kaliya ee ka maqnayd furumaha dagaalka ay shacabka kula jiraan Alshabaab ayaa hadda leh muhiimad gaar ah maadaamaa hadda ku dhow yahay howgalku deganaada ay dagan yihiin.

Lama oga taageerada dowladda ee dhanka saadka, iyo qalabka ciidan ee ay diyaar ula tahay kacdoonka shacabka, balse mar haddiiba wasiiradii ugu muhiimsanaa ay Hormuud ka yihiin, waxaa la fahmi karaa in dowladda ay bixin doonto taageero.

Hase yeeshee shir uu ku dhowaaqay wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi oo ka dhacaya Baladweyn ama Dhuusamareeb Midkood oo looga hadlayo macawuusley ayaa lagu faahfaahin doonaa kaalinta dowladda, iyo sida loo maareyn doono ciidamadan beelaha inta aysan howlgaladu bilaaban.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM