Wasiirka cusub ee Wasaaradda waxbarashada Somaliland oo is casiley

Image

March 1, 2015- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa iska casiley xil cusub oo loo soo magacaabay kadib markii maalin kahor Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo isku-shaandheyn ku sameeyey golihiisa Wasiirrada.

Samaale wuxuu sheegay inuusan diyaar u ahayn qabashada xilka loo soo magacaabay oo ah Wasiirka Wasaaradda Waxabarashada.

"xilkaas mana aqbalin mana aqbalayo diyaarna uma ihi inaan xil dambe ka qabto xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Siilaanyo" ayuu yiri.

Mar la weydiiyey sababta uu go'aankaas u qaatey, wuxuu sheegay inuusan saluugsaneyn xilkan cusub balse uu ka xumaaday qaabka xilkaas loogu soo magacaabay oo sida uu tilmaamay ahaa kedis wax la tashi ahna aan lagala sameyn.

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan xisbiga Kulmiye wuxuu  kamid yahay shaqsiyaadka la sheego inay aadka ugu dhow yihiin Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM