Wasiirka cusub ee Wasaaradda waxbarashada Somaliland oo is casiley

Image

March 1, 2015- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa iska casiley xil cusub oo loo soo magacaabay kadib markii maalin kahor Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo isku-shaandheyn ku sameeyey golihiisa Wasiirrada.

Samaale wuxuu sheegay inuusan diyaar u ahayn qabashada xilka loo soo magacaabay oo ah Wasiirka Wasaaradda Waxabarashada.

"xilkaas mana aqbalin mana aqbalayo diyaarna uma ihi inaan xil dambe ka qabto xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Siilaanyo" ayuu yiri.

Mar la weydiiyey sababta uu go'aankaas u qaatey, wuxuu sheegay inuusan saluugsaneyn xilkan cusub balse uu ka xumaaday qaabka xilkaas loogu soo magacaabay oo sida uu tilmaamay ahaa kedis wax la tashi ahna aan lagala sameyn.

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan xisbiga Kulmiye wuxuu  kamid yahay shaqsiyaadka la sheego inay aadka ugu dhow yihiin Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgalka AUSSOM oo laga cabsi-qabo inuu burburo

Sida laga soo xigtay Youssouf, farqiga maalgelinta ayaa gaaray $180 milyan inkastoo taageero ay ka heleen dhowr saaxiibadood.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 11:52AM

Soomaaliya iyo Uganda oo Saxiixaya Saddex Heshiis iyo Xasan Sheekh oo ku wajahan Kampala

Guddigan JPC ayaa la aas aasay sanadkii 2022 si loo dardargeliyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 06:23AM