Wasiirka Difaaca D. Federaalka oo booqasho ku tegey Guriceel

Image

March 2, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaan-dhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaarey degmada Guriceel ee gobolka Galguduud.

Ujeedada booqashada Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ee Guriceel ayaa salka ku haysa xal u helidda colaad todobaadyadii u dambeeyey degmadaas ka aloosneyd.

Wasiirku wuxuu caawa gudaha Guriceel kulammo kula qaadan doonaa mas'uuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka.

Kulammadaas ayaa ah kuwo diiradda lagu saari doono sidii labada dhinac heshiis loo dhex dhigi lahaa islamarkaana looga hortegi lahaa in xaaladdu kasii darto.

Dhanka kale, Wasiir Diini ayaa booqan doona xerada ciidamada dowladdu ku leeyihiin duleedka Guriceel halkaasoo uu kula kulmi doono saraakiisha hoggaamineysa ciidanka.

Dagaallo goos goos ah oo laga soo bilaabo bishii December ee sanadkii hore mileeshiyaad taabacsan Ahlu Sunna iyo ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka ku dhex marayey degmada Guriceel ayaa waxaa ku geeriyoodey tobannaan qof iyadoo kumannaan qoysna ku barakaceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM