Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmey waxgaradka Caabudwaaq

Image

April 5, 2015 (GO)- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalintii afaraad howlo shaqo u jooga magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud, ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaadanayaa qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanada waqooyiga Galgaduud.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ugu horeyntii la kulmay odayaasha deegaanka kuwaasoo ka kala yimid deegaanada hoostada Waqooyiga gobolka Galgaduud, wuxuuna  Wasiirku kala hadlay arrimaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta goboladan dhexe iyo sidii odayaasha dhaqanku qeyb libaax uga qaadan lahaayeen isku soo dhoweynta beelaha ku wada nool goboladan iyo sidii hal maamul oo mideeya dadka loogu wada sameysan lahaa.

 "Dadka ku dhaqan  Gobollada dhexe waa dad walaalo ah oo weligoodba wada deganaa, hal meelna wax ku wada qeybsan jiray, waxaana loo baahan yahay in la soo celiyo walaalnimadii, iskaashigii iyo wax wada qabsigii aad caanka ku aheydeen" ayuu yiri  Wasiirka oo dhanka kale xusay in Dowladda Federaalku ay ku taageereyso sidii loo gaarsiin lahaa dib u heshiisiinta gobol, degmo illaa tuulo.

Odayaasha ayaa gabagabadii u balan qaaday  Wasiirka iyo wafdiga la socda inay garab istaagayaan kana shaqeynayaan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka ku dhaqan gobollada dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM