Wasiirka difaaca Soomaaliya oo la shiray sarkaal Itoobiyaan ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, Wasiirka difaaca Xukumadda Xilgaarsiinta ah ayaa sabtida maanta ah Muqdisho ku shiray Gen. Tadesse Amelo Sieso, u-qeybsanaha Ciidamada ee Saafaradda Itoobiya ee Soomaaliya xilli khilaaf xooggan uu ka taaganyahay cidda qaadanaysa masuuliyada amniga dalka.

Wasiirka oo qoraal kooban ku haabiyay bartiisa Facebook ayaa sheegay “in uu maanta kulan miro dhal ah la yeeshey wafdi uu hogaaminaayo u-qeybsanaha Ciidamada Saafaradda Itoobiya ee Soomaaliya Gen. Tadesse Amelo Sieso”.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in uu kala hadlay Sarkaalka howlgaladda amniga ee AMISOM, qorshaha kala guurka ah ee amniga qaran iyo Mustaqbalka amniga gobolka geeska Afrika.

“Waxaanna kawada hadalnay xaaladda guud ee labada dal, howlgallada AMISOM oo ay Itoobiya qeyb katahay, Qorshaha Kala-guurka Qaranka (STP), iyo mustaqbalka amniga Gobolka Geeska Afrika” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaan uga mahadceliyey dadaalada ay ku bixinayaan ladirirka Aragagixisada iyo nabadeynta guud” ayuu hadalkiisa raaciyay Mr Jaamac.

Kulankaan ayaa ku soo aaday xilli shir looga hadlayo doorashooyinka dalka uu ka socdo magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho, iyada oo qodobada ugu adag ee shirka horyaalla uu qayb ka yahay amniga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM