Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare DFS oo xilka la wareegtey

Image

Wasiirkii  hore ee Wasaaradaha Waxbarashada Mudane Ciise Maxamed Axmed Guraase iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamed ayaa xilka ku wareejiyay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Drs Khadar Bashiir Cali oo loo soo magacaabay xilkaas, waxayna Xafladu ka dhacday Xarunta Wasaarada Tacliinta Sare waxana ka soo qeyb galay Hanti dhooraha Qaranka Mudane Nuur Faarax Jimcaale iyo Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka sidoo kale waxaa kasoo qayb galeen Madaxda Wasaarada Shaqaalaha hoose iyo marti sharaf kale.

Waxaa halkaas ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Prof Maxamed Cabdul Qaadir Nuur, waxa uuna sheegay in dhamaan shaqaalaha Wasaarada ay soo dhaweynayaan Wasiirka Cusub islamarkaana ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan isagoo xusan in Wasiirada Cusub Dr. Khadar Bashiir Cali ay horayba uga mid aheyd Wasaaradda Waxbarashada oo ay markale Wasaaradu soo dhaweyneyso Wasiirka Cusub.

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Mudane Ciise Axmed Guraase ayaa sheegay in ay wax ka qabteen xagga manaahijta Waxbarashada dalka.

Sidoo kale Wasiirkii hore ee Hidaha iyo Tacliinta sare Ducaale Aadan Maxamed ayaa sheegay inay gacan ka geysteen sare u qaadidda tacliinta sare ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa sheegay inay sii amba qaadi doonto howlihii ay horey u qabteen Wasiiradii,waxaana madaxda kale ka codsaday inay garab ku siiyaan howlaha horyaalla. 

Related Articles

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM

Fahfaahin: Dowladda oo Guul ka sheegatay dagaalkii Wargaadhi

Al-Shabaab ayaa isku dayay in halkaasi ay dib isugu abaabulaan, balse ciidanku waxay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 09:47AM