Wasiirkii hore ee Kalumeysiga DF oo lagu aasey Muqdisho

Image

MUQDISHU jan 17,2014 [GO]- Alaha u naxariistii Wasiirkii hore ee Kaluumeysiga dowlada Federaalka islamarkaana ahaa sii hayaha xilka Wasarada  ayaa saaka subaxnimadii ku geeryoodey magaalada Muqdishu.

Wasiirka hore Marxuum Maxamuud Colow Barrow oo lagu aasey maanta duhurkii Muqdisho ayaa waxaa aaskiisa kasoo qayb galey madaxda dowlada Federaalka ee uu hogaaminayeen Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Gudoomiyaha Barlamanka Jawaari.

Marxuum Colow oo dhashey sanadkii 1960 ayaa Madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd AHN Cabdulahi Yusuf waxaa uu u magacaabey Danjiraha dalka Indoonisia u fadhiya dalka Somalia.

Colow AHN oo ifka kaga tagey Todobo caruur ah ayaa wararka sheegayaan inuu u dhintey cudurka Sonkorta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Radio Sweden oo shaaciyey sida Xafiiska RW Soomaaliya ugu tagri faley lacago gargaar ah

Warbixintaan , oo ay diyaarisay Ekot — waaxda ugu weyn ee wararka Raadiyaha Sweden…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 02:58AM

Hoggaamiyeyaal saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya oo Shir uga furmay Kismaayo

Dhankiisa, Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in ay dhibaato u geysatay maamulkiisa.

  • Soomaliya

    18-12-2025

  • 05:55PM