Wasiiro kamid noqonaya xukuumadda Deni oo la dhaariyey

Image
Image
Image
Image
Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed ayaa dhaariyey xubnahan cusub.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiiro cusub oo kamid noqonayo xukuumadiisa.

Wasiiraddan oo dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Puntland ayaa shalay oo Talaado ahayd waxay si rasmi ah loogu dhaariyey jagooyinkaas ay ugu adeegayaan dadweynaha.

Wasiirada cusub ayaa waxaa xarunta madaxtooyadda magaala madaxda Garowe ku dhex-dhaariyay Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed.

Xubnaha la dhaariyey ayaa kala ah; wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Cabdiraxmaan Cali Axmed iyo Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Mudane Axmed Yuusuf Maxamed (Labayk).

Madaxweynaha ayaa Wasiirada cusub alle uga baryay in uu u fududeeyo, wuxuuna kula dardaarmay in ay sida ugu wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM