Wasiiro ku biiraya Golaha Wasiirada Soomaaliya oo la dhaariyay

Image
Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa shalay waxa uu ku dhawaaqay magacaabida xubnahan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa goobjoog ahaa dhaarinta labada xubnood oo ka mid noqanaya Golaha Wasiiradda.

Labadan xubnood ayaa kala ah Xildhibaan Cabdikariim Cabdow Xaydar, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka, iyo Axmed Jaamac Cumar Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Aadan Madoobe ayaa xubnahan ka mid noqonaya Golaha Wasiiradda waxaa uu kula dardaarmay in xilkooda ay u gutaan si daacad ah uguna adeegaan Shacabka Soomaaliyeed si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad, isagoona u rajeeyay in Alle ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa shalay waxa uu ku dhawaaqay magacaabida xubnahan taasoo meesha ka saartey laba boos oo ka banaanaa xukuumadiisa isla markaana ay si weyn indhaha ugu hayaan dhamaan siyaasiyiinta xil raadiska ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM