Weerar is-miidaamin ah oo lala beegsadey Hotelo ku yaala Muqdishu

Image

MUQDISHU Feb 20,2015 [GO]- Waxaa laga maqley magaalada Muqdisho qaraxyo lala beegsadey Labo Hotel oo ku yaal degmada Xamar weyne halka ku dhow Taalada Xaawo Taako.

Hotelka la yiraahdo Central iyo Naaso Hablood ee ku yala degmada Xamar weyne islamarkaana isku dhagan ayaa wararku sheegayaan in weerar is-miidaamiin ah oo loo adeegsadey gaari lala beegsadey.

Lama oga khasaaraha ka dhashey weerarkaan iyadoo waqtiga uu dhacay la sheegayo iney ku beegneyd xilli qado ah oo laga soo baxey salaada Jimce.

Qararaax ayaa kusoo beegmaya xilli inta badan wadooyinka magaalada Muqdishu xiran yihiin islamarkaana lagu jiro diyaar garow lagu soo dhoweynayo madaxweynaha dalka Jabuuti inuu yimaado magaalada Muqdishu.

Garowe Online kala soco wararka la xiriira weerarkaan.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM