Weerar ka dhacay nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Weerar ayaa Maanta ka dhacay duleedka Garoonka diyaaradaha magaaladda Kismaayo, kaasoo ay ilaaliyaan Ciidanka Kenya, ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Weerarka gaadmada ah ayaa isku bedelay dagaal kooban oo Al-Shabaab iyo Ciidanka Jubaland ku dhexmaray saldhiga oo ku yaalla halka lagu Magacaab Koran-uusle oo u dhaw Garoonka, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday hal Askari iyo tiro kale oo Shabaab ah.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in la iska difaacay weerarka Al-Shabaab, islamarkaana xaaladda ay caadi kusoo laabatay, mana jirto saameyn dagaalka ku yeeshay duulimaadka diyaaradaha Garoonka.

Al-Shabaab ayaa mudooyinka dambe xoojiyay weerarada dalka ay ka fuliso, gaar ahaan Koonfurta, iyadoo Kooxda ay isku dayayso inay carqaladeyso doorashooyinka socda, oo cabado kale ay haystaan.

Jubaland ayaa mudo dheer dagaal kula jirtay Al-Shabaab, balse kuma guuleysan inay la wareegto guud ahaan saddexda Gobolka ee ka kooban tahay, waxaana ka maqan Jubada Dhexe oo dhan iyo degmooyin kale.

Ciidanka Jubaland ayaa waxay taageero ka halayaan askarta Kenya, oo ilaaliya Dekadda iyo Garoonka diyaaradaha Kismaayo, oo ah ilaha dhaqaale ee maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM