Weerar qarax ku bilowday oo lagu qaadey Hotel ku yaala Kismaayo

Image
Khasaaro kala duwan ayaa lasoo warinayaa balse si rasmi ah looma xaqiijin karo tirada rasmiga ah.

KISMAAYO, Jubaland - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in weerar ku bilowday qaraxyo lagu ekeeyay hotel ku yaalla xarunta ku meelgaarka Jubaland ee Kismaayo. Illaa haatan lama ogga bartilmaameedka.

Fahfaahino horudhac ah ayaa muujinaya in qaraxa ka dhacay Kismaayo uu yahay weerar toos ah oo lagu galay Hotel Tawakal oo ku yaalla xaafada Faanoole.

Warbixino kale ayaa muujinaya in dableyda usii gudubtey hotel kale. Khasaaro kala duwan ayaa lasoo warinayaa balse si rasmi ah looma xaqiijin karo tirada rasmiga ah.

Wariyeyaal ku sugan magaaladda ayaa u sheegay Garowe Online in laga cabsi in dadka ugu badan ee ku naf-waayay ay yihiin arday dhigata iskuul ku yaala kasoo horjeedka meesha ay wax ka dhaceen.

Maleyshiyadda AS ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda weerarka Hotelka Kismaayo halkaasoo lagu waramay in uu ka socdey shir lagu abaabulayey guluf ciidan oo ka dhan ah xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Dhaawaca sideed qof ayaa illaa haatan la xaqiijiyey weerarka lagu qaadey hotelka ku yaala magaalada Kismaayo. Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in aysan wali soo gaarin dhimasho.

Warbixino oo laga helay illo dhanka caafimaadka ah ayaa xusaya in arday kasoo baxdey iskuul ku dhow meesha ay wax ka dhaceen ay ku jiraan dadka waxyeelada ay soo gaartey.

Wasiirka Maaliyadda Jubaland, Xuseen Xirsi Axmed oo baraha bulshadda kasoo muuqdey kadib dhacdadan ayaa yiri "Waan ka guuleysan doonaa kooxda arxan-laawayaasha ah ee weerarka kusoo qaadey Kismaayo".

Taliye ku xigeenka Booliska Jubaland, Maxamed Naasi Guuleed oo ku sugan agagaarka Hotelka la weeraray ee Kismaayo ayaa dhankiisa wuxuu dadka ugu baaqay in ay is-dajiyaan.

"Dadka ha is-dajiyaan. Tuugada weerarka fulisay waa saddex. Ciidamadda ammaanka ayaa goordhow meydadkooda banaanka u soo saari doona," ayuu hoosta ka xariiqay.

Weerarkan ayaa kusoo hagaagaya xilli Jubaland ay kamid tahay maamulada Soomaaliya ee wali aanan bilaabin howlgaladda ka dhanka ah Al-Shabaab gaar ahaan kuwa dowladda ugu yeertay kacdoon shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM

Xasan Sheekh: Dagaalka Al-Shabaab waa nagu adkaadey

Dowladda ayaa haysta caqabado badan oo ku aadan dagaalka, taasoo hakad gelisay howlgalkii socday, waxayna tani fursad siisay Al-Shabaab oo weeraro soo qaadey.

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 09:41AM