Weerar qaraxyo ku bilowday oo lagu galay maqaad ku taalla Liido

Image
Ugu yaraan laba qarax ayaa dhacdey kahor inta dableyda aysan u daadan dhismaha mehradda Pearl Beach.

MUQDISHO, Soomaaliya - Weerar ku bilowday ugu yaraan laba qarax oo noocooda aan wali la caddeyn ayaa lagu weeraray maqaayad dhowaan la hirgeliyey oo ku taalla xeebta Liido ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dagaalameyaal loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo tiradooda aan wali si rasmi ah loo ogeyn ayaa degdeg ugu talaabtey qeybaha kala duwan mehradan lagu magacaabo Pearl Beach.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu waramayaa in ay ka dhasheen qaraxyadda. Hase ahaatee, illaa hataan lama ogga tiradda saxda ah maadaama aan lagu sameyn wax tirokoob ah.

Saddex qof oo goobjoogeyaal ah oo si dirqi ah ku badbaadey ayaa u sheegay Garowe Online in kooxda hubeysan ay bilaabeen in ay si aan kala sooc lahayn u toogtaan dadka ku sugnaa banaanka barxadda.

"Iyadda oo rasaasta ay socoto ayaa waxaa qarax saddexaad uu ka dhacay dhanka albaabka balse ma hubo in uu ahaa is-qarxin iyo gaari kale oo banaanka ku qarxay," ayuu yiri Aadan Maxamed Nuur, oo ah goobjoogaha.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in bartilmaameedka weerarka uu ahaa maqaayadda Pearl Beach waxaana ay sheegeen in ay baarayaan qaabka uu u dhacay.

Cutubyo kamid ah ciidamadda dowladda federaalka oo tagay meesha ay wax ka dhaceen ayaa bilaabay howlgal isugu jira soo afjarida maleyshiyaadka iyo soo badbaadinta shacabka ku go'doomay gudaha dhismaha.

Weerarkan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen digniino dhanka ammaanka ah iyo macluumaad mukhaabaraad oo sheegaya in ay socdaan qorsheyaal weeraro looga geysanayo magaala madaxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM