Weerarka Al-Shabaab ee Masagawaa: Sida uu ku bilowday iyo khasaaraha
MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalo culus ayaa waxaa laga soo sheegay deegaano ka tirsan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, kadib markii shalay Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmadda Masagaway, waana weerarkii labaad oo maalmo gudahood lagu qaado.
Laamaha ammaanka oo la socda xaaladda ayaa xaqiijiyey in dagaal khasaare dhaliyay uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, kadib weerarka maleeshiyada.
Sida laga soo xigtay mid ka mid ah saraakiisha ammaanka ee ku lugta leh ololaha milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, dableyda ayaa weerar ku qaaday xero ciidan goor barqo ah.
Xerada ayaa waxaa ku sugan ciidamo lagu soo tababaray Eritrea iyo dagaalyahano deegaanka ah. Waxa uu sheegay in maleeshiyada ay u suuragashay in ay gudaha u galaan xerada, islamarkaana ay ka soo saareen saddex gaari.
Markii ay maleeshiyada ka baxeen magaalada ayaa Ciidamo gurmad ah oo ka yimid degaanka Ceel-Dheer oo dhanka Waqooyi kaga beegan Masagawaay waxa ay weerar gaadmo ah ku qaadeen maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus.
Labadan mas’uul oo codsaday in aan magacyadooda la shaacin ayaa xusay in ciidamada xoojiyey ay khasaare xooggan gaarsiiyeen Al-Shabaab, ayna ka furteen qaar ka mid ah gaadiidkii iyo hubkii ay horay u qaateen.
Tobaneeyo dhimasho ah ayaa lagu soo waramay in labada dhinac ay soo kala gaareen. Hase ahaatee, illaa haatan lama soo sheegin tirokoob rasmi ah wallow labada daraf guulo kala sheeganayaan.
War saxaafadeed ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayay ku tibaaxdey in ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada deegaanka ay iska caabiyeen maleeshiyaad isku dayay in ay gudaha u galaan magaalada.
Bayaankan uu arkay Garowe Online ayaa lagu caddeeyay in 30-qof ay ku dhinteen weerarka, sidoo kalena lagu qabsaday saddex gaari oo kuwa dagaalka ah, ayna ku dhaawacmeen saddex askari.
Al-Shabaab ayaa dhanka kale sheegtay in dagaalyahanadooda ay cagta mariyeen saldhigga ayna dileen 73 askari, gaadiidna ka qabsadeen. Labada sheegasho gaar ah si madax banaan looma xaqiijin.
Deegaanka Masagawaay oo qiyaastii 270-km dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada dowladda iyo dadka degaanka bishii Janaayo ee sanadkan.
Bishii April, dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday magaalada, halkaas oo ay ku dileen saddex oday oo ka qeyb qaatay abaabulka ka dhanka ah kooxda.
Weerarkan cusub ayaa waxa uu ku soo aadaya, iyadoo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay u muuqdaan kuwo hakad ku yimid gobolada dhexe dhowrkii bilood lasoo dhaafay.
Sidoo kale, weerarkan ayaa waxa ay ku soo beegmayaa afar maalmood un kadib markii dagaalyahano hubeysan ay weerar kale oo khasaara dhaliyay ku qaadeen xero ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM kuna taala degmada Buulo Mareer.
GAROWE ONLINE