Weerarka Villa Rossa oo shaki abuuray: "Yaa fududeeyay"?

Image
Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in saraakiisha ammaanka ay "ku jahwareersan yihiin" dhacdadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley Al-Shabaab ah ayaa fiidnimo abaare 8:05 PM waqtiga maxaliga ah ee Muqdisho waxay weerar qarax ku bilowday ku galeen Hotel Villa Rossa oo ku dhow Madaxtooyadda Qaranka iyo xabsiga weyn ee Godka Jilacow.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in saraakiisha ugu sareysa ammaanka ay "ku jahwareereen" qaabka maleyshiyada ugu suurtagashay tagida aagan aadka loo ilaaliyo.

"Shan baro kontrool oo mid kasta gaariga maraya la isku-waydiiyo aqoonsi dowladeed ayaa kasoo sukeeya. Sidee meel meel noocaan ah uga dhici kartaa weerarkan oo kale?" ayuu yiri sarkaal dhanka ammaanka ah.

Tuhunkaas ayaan kaliya ku koobneyn saraakiisha ammaanka. Mas'uuliyiin haatan xil ka haya dowladda federaalka iyo kuwa horey u soo qabtey ayaa sidoo kale ku muujiyey qoraal ay ku faafiyeen baraha bulshadda.

"Waa lasoo daayay, yaa soo daayay?"

Cali Cabdullaahi Cosoble, oo ah siyaasi iyo madaxwaynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle, ayaa aaminsan in "lasoo daayay qaraxa". Balse, wuxuu is-waydiiyey "yaas oo daayay".

"Waddo kasta ee Villa Rosa lagu tagi karo ciidan ayaa fadhiya, mana aha waddo shacabka u furan. Waa la soo daayay qaraxee yaa soo daayay?," ayuu ku qoray boggiisa Facebook-ga.

Dhankiisa, Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu, ayaa carabka ku adkeeyay in laga maarmaan ay tahay in lala xisaabtamo madaxda hay'adaha ammaanka kadib dhcdada.

"Qofkii waqtigiisu dhamaaday wuu dhimanayaa,lamana celin karo. Waxase la yaab leh sida ay ku gaareen hotel ay Wasiirro muhiim ah deggan yihiin oo daakhilka ku yaalla," ayuu caddeeyay.

Yaa Al-Shabaab ah, yaanse ahayn?

Sida laga soo xigtey Macalimuu oo horey dhowr jeer ka badbaadey weeraro ka dhacay caasimadda - qaar isaga lala eegtay iyo kuwa uu goobjoog u ahaa - qaraxyadda qaar waa "shaqo lawada qabto".

"Amni kama horreeyo isla xisaabtan dhab ah, horeyna waa u sheegay. Shaqo ayaa socota, weyna sii socon doontaa oo waliba meelo ka khatarsan ayay gaari doontaa hadii aan dhaqso silsiladda dhexda lagaga jirin oo aan la helin kuwa ku lugta leh ee dowladda ku jira oo wax fududeeya," ayuu hoosta ka xariiqay.

Senator Cabdiweli Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka tirsan Aqalka Sarre oo laga soo doorto Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale wuxuu xoojiyey tuhunka ku saabsan in weerarkan uu yahay "mid la fududeeyay".

"Wax la qaadan karo maahan in Villa Rossa AlShabaab ay soo galaan. Goobtan ayaan loo ogaleen xitaa askarta nala jirto in ay kasoo gudbaan hadan baaburta aan saaraneen annigo meel aagas ku dhow degan. Yaa Al-Shabaab ah, yaase [ahayn]" ayuu sii raaciyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM