Wejiga cusub ee gobolka Gedo uu galayo iyo hubanti la'aan jirta

Image
Waxaa maalinkii Jimcaha magaalada Garbahaarey ka dagay Ugaas Xasan Yaroow oo muddo aad u dheer fadhiyay Kismaayo.

KISMAAYO, Jubaland - Waxaa aad isu soo taraya isbadelada iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee ka socda gobolka Gedo ee Jubbaland, halkaas oo ay hadda muuqato in mar labaad maamul ahaan iyo siyaasad ahaanba uu u hoos tagi doono dowlad goboleedka Jubbaland ee Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Iyadda oo aysan sahlanaan doonin, haddane Jubbaland waxa ay qaaday tallaabooyinkii ugu horeeyay iyada oo kaashanaysa dowladda federaalka.
Waxaa maalinkii Jimcaha magaalada Garbahaarey ka dagay Ugaas Xasan Yaroow oo muddo aad u dheer fadhiyay Kismaayo, kana mid ahaa hoggaankii dhaqanka ee sida weyn u taageeray Axmed Maxamed Islaam doorashadii 2019-kii ka dhacday Kismaayo.

Inkasta oo la sheegay in uu caqabado kala kulmay tagitaanka Ugaaska ee Garbahaarey, haddane wuxuu sheegay in uu qabanayo shir beeleed uu kaga hadlayo waxyaabaha soo wajahan iyo jihada uu qaadanayo gobolka siyaasad ahaan.

Todobaadyo ka hor waxaa garoonka Muqdisho loo diiday in uu ka duulo Xildhibaan Cabdullaagi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ku wajahnaa magaalada Baardheere.

Jeneraal Fartaag waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta kasoo horjeedda muddo kororsiga Axmed Madoobe, wuxuuna dhowaanahan waday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo Jubbaland ka dhan ah.

Hase yeeshee waxa ay u egtahay in hoggaanka dowladda federaalka aysan xilligani doonaynin khilaaf cusub oo dhex mara iyada iyo dowlad goboleedyada, waxayna ku dedaalaysaa in maamul ahaan ay gobolka Gedo hoos geyso Jubbaland, taas oo ahayn waxyaabihii lagu gorgortamay xilligii ay doorashada socotay.

Dowladdii madaxweyne Farmaajo ayaa dedaal dheer ku bixisay in Gedo ay maamul ahaan ka hoos bixiso Jubbaland iyadda oo ka lahayd dano siyaasadeed oo u badnaa kuraasta taala gobolka balse wuu ku hungoobey.

Lama ogga hab-raaca loo marayo dhismaha maamulka Gedo ee cusub iyo sida ay isula jaanqaadi karaan dowlad goboleedka Jubbaland, balse maamulka Axmed Madoobe ayaa doonaya in uu inta badan isaga soo magacaabo mas’uuliyiinta heer gobol, kuwa degmo iyo kuwa ciidamadaba.

Balse waxa ay weli hubanti la’aan ka jirtaa sida uu noqonayo xaalka ciidamada federaalka tirada badan ee Gedo ku sugan xilli Axmed Madoobe uusan aad u ogoleyn in ciidamo aanan isaga ka amar qaadanin ama kuwiisa ka awood badan ay ka jiraan deegaanada uu isaga maamulo.

Degmada Ceelwaaq oo kaliya ayaa maamul ahaan hoos tagta Jubbaland waqti xaadirkan, balse waxaa jira degmooyin wada shaqayn heer dhexe ah la leh maamulka Kismaayo sida maamulka Balad Xaawo oo kale oo ay shacabka iyaga go’aansadeen in ay la jaanqaadaan Jubbaland kadib markii uu meesha ka baxay maamulkii Farmaajo.

Dadka u ololeeya qadiyadda gobolka Gedo ayaa muddo dheer farta ku fiiqayay in gobolka uu qasaare weyn kala kulmay khilaafkii dhexmaray Kismaayo iyo Muqdisho, iyada oo inta badan mashaariicdii caalamiga ahayn ee Jubbaland lasoo marsiinayay ay adkaatay in gobolka laga fuliyo.

Waxaa dhanka kale xusid mudan in siyaasiyiin iyo shaqsiyaad si weyn ugu ololaynayay in gobolka Gedo uu Jubbaland hoos tago ay hadda xubno sarsare ka yihiin xukuumadda federaalka ee Dan Qaran, waxaana ka mid ah wasiirka Amniga Dr Maxamed Doodishe iyo wasiirka deegaanka Dr Aadam Aw Xirsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM

Xasan Sheekh: Dagaalka Al-Shabaab waa nagu adkaadey

Dowladda ayaa haysta caqabado badan oo ku aadan dagaalka, taasoo hakad gelisay howlgalkii socday, waxayna tani fursad siisay Al-Shabaab oo weeraro soo qaadey.

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 09:41AM