Wejiga labaad ee shirka soo xulista barlamanka Jubaland oo furmey

Image
Image
Image
Image

March 23, 2015 (GO)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa maanta magaalada Kismaayo uga qayb galay shir loogu magac daray dhameystirka barlamanka Jubaland.

Shirkan ayaa daba socda mid labadii bilood ee lasoo dhaafey ka soconayey Kismaayo kaasoo looga arinsanayey arimo ay kamid yihiin qaabka lagu soo xulayo xildhibaannada iyo saamiga beel walba heleyso.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Caymiska waxaa sidoo kale kasoo qayb galay mas'uuliyiinta ugu sarreysa maamulka Jubaland, madax dhaqameed, siyaasiyiin iyo marti sharaf laga casumey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiir Odawaa oo isagu shirka si rasmi ah u furey ayaa sheegay in bulshada gobollada Jubbooyinka iyo Gedo degtaa dhanka siyaasadda horumar badan ka sameysey, wuxuuna ugu hambalyeeyey dadaalka mideysan ee dadka gobolladaas degaa ugu jiraan inay dhistaan maamul dowladeed oo dhameystiran.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Dowladda Federaalku soo dhoweynayso islamarkaana si joogto ah u taageeri doonto wax walba oo horumar iyo nabad u horseedaya dadka ku dhaqan Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose iyo Gedo.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan oo isna si kooban goobta uga hadley ayaa sheegay in dhameystirka maamulka Jubaland ay ka dhiman yihiin maalmo kooban, isagoo xusey in laga soo gudbey caqabo badan oo jirey.

Wafdiga Dowladda Federaalka ee Wasiir Odawaa uu hoggaaminayey ayaa galabta dib ugu laabtey magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM