Wiilka  Trump oo beeniyay warar ku saabsan inuu Cirro kulan kula yeeshay Switzerland 

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeen u hadashay Eric Trump, wiilka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa beenisay warar sheegaya in uu kulan la yeeshay Cabdiraxmaan Cirro, Madaxweynaha Maamulka Somaliland, intii uu socday kulan casho ah oo ka dhacay magaalada Davos, Switzerland.

Kimberly Benza, afhayeenka Eric Trump, ayaa sheegtay in aanay jirin wax kulan rasmi ah ama wada-hadal siyaasadeed ama dhaqaale oo dhexmaray labada dhinac. Waxay tilmaantay in kulanku ahaa casho guud, oo Cirro uu meel u dhow istaagay oo kaliya salaamay kaddib sawir la galay Eric Trump.

“Ma jiro kulan dhexmaray Eric Trump iyo Cabdiraxmaan Cirro, mana aysan jirin wax wada-hadal ah oo ku saabsan siyaasad ama dhaqaale,” ayay tiri Benza.

Benza ayaa intaa ku dartay in Eric Trump uu ka mid ahaa marti sharaf lagu casuumay cashada bulshada Yuhuudda ah, oo ay sidoo kale ka qayb galeen madax iyo shakhsiyaad caalami ah, oo uu ku jiray Madaxweynaha Israa’iil.

Cashadan ayaa ka dhacday dhinacyada shirka sanadlaha ah ee Davos, oo ay isugu yimaadaan hoggaamiyeyaal siyaasadeed, ganacsato iyo shakhsiyaad caan ah oo ka kala yimid daafaha dunida.

Saraakiisha la socotay Cirro ayaa baahiyay wararka ku saabsan inuu kulan dhacay oo Cirro kala hadlay Eric maalgashi inuu ku sameeyo Berbera.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM