Xaaf oo bilooyin kadib Dhuusamareeb kula laabtey dalab naadir ah

Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxweyne Axmed Kaariye Qooroor iyo ku xigeenkisa Cali Daahir Ciid iyo xubno ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka federaalka ayaa maanta Dhuusamareeb ku soo dhaweyey Madaxweynihii hore maamulkas, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Xaaf, oo ilaalo gaar ah watay, ayaa ku dhowaad tobban bilood kadib wuxuu ku laabtey caasimadda dowlad goboleedkaas.

QoorQoor ayaa ku ammaanay Xaaf doorkii nabada iyo isku keenida Galmudug iyo sidda uu markasta ugu nabadooniyey Galmudug isaga oo ku tilmaamay in uu yahay "odaygii Galmudug isku hayay".

Xaaf ayaa sheegay in Galmudug maanta laga bilaabo ay tahay hal mid oo aysan jirin Galmudug labaad, isagoo sheegay in uu tanaasuley danta Galmudug, wuxuuna balanqaadey in uu lashaqeyn doono QoorQoor.

Intii uu hadal-jeedinta waday, Xaaf ayaa si kaftan ah wuxuu si furan ugu codsaday "in aan laga faafin sheekooyin ku saabsan laga guuleystay".

"Wax badan ma aanan maqneyn xooggaa yar oo kululeysi ayay aheyd, hadana waxaa rajeynayaa in Odayga waa tanaasulay ee waa la tuuray yaa la oran, saacadaan laga bilaabo Galmudug waa mid," ayuu yiri.

Madaxda cusub ee Galmudug ayaa kulan la leh Xaaf, kaas oo looga arrin-sanayo munaasabadda xil-wareejinta iyo goorta ay dhaxeyso.

Sidda uu xaqiijiyey xafiiska Qoor-qoor oo war-saxaafadeed kooban laga soo saarey, kulanka waxaa goob joog ah Xilibaanada Dowlada Faderalka ku matala Galmudug iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Galmudug.

MUUQAALKA SOO DHAWEYNTA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM