Xaalad adag oo soo wajahdey dadkii ka barakacay dagaallada Guriceel

Image

March 3, 2015 (GO)- Xaalad nololeed oo adag ayaa lasoo deristey boqollaal qoys oo ka barakacay degmada Guriceel oo todobaadyadii u dambeeyey dagaallo ku dhex marayeen ciidamada dowladda iyo mileeshiyaad taabacsan Ahlu Sunna Waljmaacah.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa baaq u direy Dowladda Federaalka iyo hay'adaha samafalka isagoo ka codsaday in loo soo gurmado dadka ku tabaaleysan duleedka magaalada.

Cirfo wuxuu sidoo kale sheegay in baahiyaha xilligan dadku qabaan ugu muhiimsan yihiin: biyaha, cuntada iyo weliba adeegyada caafimaadka.

Degmada Guriceel waxaa shalay gaarey wafdi ka socda Dowladda Faderaalka oo Wasiirka Gaashaan-dhigga Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini hoggaaminayey.

Wafdiga Diini aya kulammo kala duwan la qaatey odayaasha dhaqanka, mas'uuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee duleedka Guriceel ku sugan.

Kulammadaas ayaa ahaa kuwo diiradda lagu saaray sidii loo qaboojin lahaa xiisadda colaadeed ee ka taagan halkaas loona soo afjari lahaa khilaafka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM